Kamaal: Ciidamada Itoobiya ma codeyn doonaan ee waxaa codeyn doona xildhibaano Soomaliyeed

Muqdisho (Caasimada Online) – Kamaal Guutaale oo ka mid ah musharaxiinta u taagan qabashada xilka madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay faragalin qaawan ku heyso arimaha gudaha Soomaaliya.

Kamaal ayaa sheegay inay horay isu weydiinayeen su’aalo ku aadan waxa ay dowladdu ciidamada isugu jira, Danab, Gor-gor, Haramcas iyo NISA ugu daabushay Galmudug, iyadoo ay horay u joogeen Militerigii 21aad iyo Daraawiish aad u badan.

Waxa uu sheegay in ciidamadaas looga baahanyahay gobolada Shabeellooyinka iyo Banaadir ee aan looga baahnay Galmudug, isagoo sheegay inay taasi soo xasuusinayso xaaladda ka taagan gobolka Gedo iyo awood sheegashadii ka dhacday magaalada Baydhabo.

“Ciidamada lagu daabulay Dhuusamareeb run ahaantii waxay muujinaysaa niyad xumo, inaysan dowladdu rabin in doorasho xalaala ay meeshaas ka dhacdo, inagu waxaan rabnay inaan doorashada kala hadlno, laakiin hadii ciidamo Itoobiyaan ah la soo daabulay waxaa dareemi kartaan sidey dowladda ugu adagtahay in doorasho xor iyo xalaal ah meeshaas ka dhacdo” ayuu yiri Musharax Kamaal Guutaale.

Isagoo hadalkiisa sii watay ayuu dowladda ugu baaqay inay ku kal soonaato shacabkeeda, isla markaana aysan Soomaali ku qabsa karin awood, khaasatan reer Galmudug sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan rabaa inaan dowladda u sheego inaysan codey doonin ciidamada Itoobiya, marka waxaan leeyahay ku kalsoonaada shacabkiina, waxaa codeyn doona xildhibaano Soomaaliyeed oo odayaal Soomaaliyeed ay soo xuleen, kuwaas ku kalsoonaadabaan lee yahay oo codka ka raadiya, balse haku raadinina ciidamo Itoobiyaan ah, jajuub iyo caburin oo horay Soomaali loogu kari waayey reer Galmudug-na iskaba daa” ayuu yiri Kamaal.

Sidoo kale Kamaal Guutaale ayaa sharaxaad ka bixiyey damac uu sheegay inuu ku jiro Itoobiya, isagoo tusaale u soo qaatay isku dayo dhawr ah oo maamuladii u kala dambeeyey hoggaanka dowladda Itoobiya ay ku soo galeen gudaha Soomaaliya, balse aysan horay ugu suurta galin haatana aysan u suurta gali doonin.

Halkaan ka Daawo