Faah-faahinta duqeyn ka dhacday guri ku yaalla JILIB

Jlib (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya duqeyn xoogan oo xalay ka dhacday qaybo kamid ah degmada Jilib ee xarunta gobolka Jubbada Dhexe ee koonfurta Soomaaliya, halkaas oo ay ku xoogan yihiin xubnaha kooxda Al-Shabaab.

Duqeynta oo aheyd bartilmaameed ayaa waxaa fulisay diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn, taas oo abaare sideedii fiidnimo gantaallo ku garaacday guri ku yaalla halkaasi.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo inay maqlayeen guuxa diyaarad, kadibna ay xigtay maqalka laba qarax oo ka dhashay gantaalada ay ku dhufatay gurigaasi.

Illaa hadda ma cadda cida lahayd diyaaradda weerarka gaysatay iyo goobta la duqeeyay, waxase magaalada ku xoog badan oo saldhigyo waaweyn ku leh kooxda Al-Shabaab.

Dhinaca kale, Al-Shabaab ayaa ka hadashay weerarkan, waxayna shaacisay in duqeynta ay fulisay diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn oo Maraykanka laga leeyahay, ayna gantaal ku dhufatay guri dad rayid ah dagan yihiin, sida ay hadalka u dhigtay.

Al-Shabaab ayaa intaasi kusii dartay in weerkan ay ku dhaawacmeen labo qof oo rayid ah oo midkood ay ahayd gabadh yar oo 11 sano jir ah, sida ay ku sheegeen qoraalkooda

Ma jiro war ilo madax bannaan oo xaqiijin kara warka Al-Shabaab iyo khasaaraha ka dhashay duqeynta xalay ka dhacday degmada Jilib ee xarunta gobolka Jubbada Dhexe.

Maalmihii u dambeeyay ciidamada huwanta oo kaashanayaa saaxibada caalamiga ah ayaa sare u qaaday howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee koonfurta iyo bartamaha dalka.