Faahfaahin laga helay dagaal dhex maray ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland

Tukaraq (Caasimadda Online) – Wararka naga gaaraya degaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in saakay halkaasi iska horimaad Kooban in uu ku dhexmaray Ciidamada Somaliland iyo kuwa maamulka Puntland.

Wariyeyaasha gobolka Sool ayaa sheegay in ku dhawaad Saac uu socday iska horimaadka. Iska horimaadka ayaa ka dhacay meel banaanka ka ah degaanka Tukaraq oo soo xigta dhanka Puntland, waxaana la sheegay in labadda ciidan ay isku dhaceen in ay ku jireen howlgal ciidamada Somaliland.

72-kii saac ee ugu dambeeyey ayaa waxaa deegaanka Tukaraq laga dareemayey xiisad u dhaxeysay Puntland iyo Somaliland, iyadoo ay weli socdaan dedaallo lagu doonayo in lagu soo afjaro colaaddaasi.

Saraakiisha ciidamada ee degaanka Tukaraq ayaa waxa ay sheegeen in aysan jirin Khasaare ka dhashay dagaalka saakay ka dhacay degaanka Tukaraq.

Iska horimaadkaan ayaa kusoo beegmaya xilli maalmihii lasoo dhaafay Qaramadda Midoobey ay waday dadaallo Nabadeed oo ku aadan sidii ciidamada halkaasi ku sugan loo kala qaadi lahaa.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com