Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal adag ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Nambar Lixdan ee duleedka Muqdisho, kana tirsan Gobolka Shabellaha Hoose.
Dagaalka ayaa u dhexeeyay Laba maleeshiyo beeleed kuwaasi oo wada dega deegaanka Nambar Lixdan, waxaana lasoo sheegayaa in Dagaalkaasi uu ka dhashay khasaaro aad u badan.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii maleeshiyo deegaanka ah ay rasaas ooda kaga qaaday gaari dagaal, oo ay la socdeen maleeshiyaad kale, iyadoona sidaa uu ku bilowday dagaal fool-ka-fool ah oo labada dhinac u dhexeeyay.
Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay ilaa Lix ruux oo isugu jira labada dhinac iyo dad shacab ah, halka dhaawacana uu gaarsiisan yahay Shan ruux.
Dadka dhaawaca ah ayaa u badnaa kuwo la socday gaari xamuul ah, oo sida la sheegay ku sii jeeday Magaalada Muqdisho.
Geesta kale, Dagaalka labada maleeshiyo beeleed ku dhex maray deegaanka ayaa waxaan wali ka hadal maamulka Koonfur Galbeed iyo Saraakiisha maamulka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

