Faallada qodobada Hindis-sharciyeedka dembiyada Galmada la xiriira (Aqriso)

Qoromadani waa tii labaad waxayna la socotaa maqaalkii hore ee aan uga hadleynay aragtida sharci ee hindise-sharciyeedka dembiyada galmada la xiriira.

Waxaan qoromadaan labaad ku lafa-gureynaa qodobo ka mid ah hindise-sharciyeedka, waxaan si kooban u soo bandhigaynaa mad-madowga iyo khaladaadka ku jiraa qodobadaas.

Faallada 1aad: Cinwaanka ama Magaca Hindise-sharciyeedka:

Magaca xeerku waxa uu door muhiim ah ka cayaaraa fahamka nuxur iyo murtida xeerka, waana waxa ugu horreeya ee uu aqristuhu arkayo, sidaasi darteed waa in uu noqdo mid qeexan oo la fahmi karo.

Waxaa muuqata in magaca ama ciwaanka hindise-sharciyeedka uusan ka turjumayn, si cadna u qeexayn nuxurka guud ee xeerka.

Erayga “Galmo” waa fal tilmaamaya isu-tagidda laboodka iyo dheddigoodka. Falkaasi wuxuu noqon karaa mid sharciga waafaqsan ama mid sharciga khilaafsan, wuxuu sidoo noqon karaa mid ay dhinacyadu raali isaga yihiin oo dembi ah, wuxuu noqon karaa kufsi, waxaa samayn karaa dad isku jinsi ah ama kala jinsiya.

Marka la eego magaca ama ciwaanka xeerka in uu ka hadlayo dembiyada galmada, hase ahaatee aanu caddeynayn nuuca galmada ee dembiga ah. Ma sinaa, ma gogol-dhaafaa, ma kufsiyaa, ma faraxumeynaa, ma ka ganacsi jireedaa, ma xad-guudbyada kale ee  jinsiga la xiriiraa.

Magaca ama ciwaanka hindise-sharciyeedku wuxuu ku taagan yahay erayga “Galmo”, halka nuxurka qoraalka xeerku uu ka ballaaran yahay dembiyo galmo.

Faallada 2aad: Qodobka 1aad: Magaca SharcigaSharcigan waxa lagu magacaabaa sharciga Galmada

Magac bixinta qodobkani waxay ka hor imaanaysaa cinwaanka hindise-sharciyeedka oo noqonayo magaca sharciga, sidaan kor ku soo falanqeynay, waxay beddelaysaa nuxurka qoraalka hindise-sharciyeedka, maadaama laga hadlayo dembi galmo ee aan laga hadlayno sharci la xiriira galmoo dhan.

Haddii erayga dembi meesha laga saaro wax nuxur ah ma yeelanayo hindise-sharciyeedku wuxuu noqonayaa arrimo la xiriiro galmada ha noqoto mid sharci ah ama mid sharci darro ah.

Faallada 3aad: Qodobka 2aad: Eray Bixin

  • Galmo:waa fal is gelin xubin taran oo dhexsata labo qofood si khayaari ama Khasab ah oo shareecadu Islaamku banaysay ama xarimtay”.

Macnaha iyo tafsiirka laga bixiyay erayga galmo waa kuwa aan sax ahayn, waayoo falka galmo ma tilmaamayo dembi ilaa laga caddeeyo in uu khilaafsan shareecada, sidoo kale la tilmaamo habka ay galmada u dhacday oo ah tan caddeynaysaa sharciyadda falka galmada.

Erayga galmo wuxuu leeyahay macno ku qotomo dhaqan iyo anshax kaasoo tilmaamaya isutegidda laboodka iyo dheddigoodka”, balse waxaa dhici karta in uu ku yimaad galmo aan dabiici ahayn, sida lagu caddeeyay xeerka ciqaabta soomaaliyeed.

Waxaa intaa dheer in galmada ku timaad xoog ama khasabka ay yeelanaysaa macno kale oo luqadeed kaasoo ah kufsi.

  • Kufsi: “waa fal galmo oo shareecada iyo sharciguba ku banaanayn oo labada qofood midkood kan kale khasabayo”.

Marka sifiican loo dhugto erayga kufsi sida xeerku u qeexay waxaa laga fahmayaa in ay samayn araan lab iyo dheddegba, sidoo kale dadka isku jinsiga ama kala jinsiga.

Qeexitaankani wuxuu ka hor imaanayaa macnaha iyo nuxurka Qod.398 XC ee ciqaabta falkaan ee xeerkan dhexdiisa loo celinayo.

Xeerka Ciqaabta wuxuu kufsiga u qeexayaa sidan: “Qofkasta oo xoog ama tahdiid galmo ula sameeya qof kale oo jinsi ahaan ka duwan.Sidoo kale wuxuu tilmaamayaa in “Ujeedada Xeerka Ciqaabta dhexgalidda xubinta taranka ee labka la geliyo xubinta taranka ee dheddiga ayaa noqonaysa xiriir galmo”.

Waxay arrintaasi abuuri kartaa mad-madow ku saabsan ciqaabta la dabakhayo ama la raacayo marka uu dhaco fal dembiyeedkan, maadaama loo raacayo qodobada xeerka ciqaabta sida ku tilmaaman hindis-sharciyeedkan.

  • Xadgudub Galmo:waa marka xubinta taranka ee qofeed la taabto, qabto  si loo kiciyo dareenkiisa ama la dhaawaco himadiisa galmo”:

Eray bixinta hindise-sharciyeedka ee xadgudubka galmo ma’ahan mid xeereed, waayoo dhaawicidda himmada galmo ee qof kale waxay yeelanaysaa macnooyin iyo tafsiiro kala duwan, waxaana loo fasiran karaa in kan samaynayo xadgudub uu ku doodo in la kiciyay ama la dhaawacay himmadiisa ama dareenkiisa.

Sidoo kale kicinta dareenka qof kale kuma timaad oo keliya taabasho ama qabasho xubin taran ee qof kale oo keliya, waxaa jira siyaabo kale oo ay ku imaan karto, kicina karta dareenka qofka.

  • Kufsi Wadareed:waa labo qofood iyo ka badan oo ku heshiiyay fulinta fal galmo oo sharciga iyo shareecada ku banaanayn”.

Macnaha ama qeexitaanka eraygani waa mid khaldan, waayoo ku heshiin fulin fal galmo iyo gelid fal kufsi aad ayay u kala duwan yihiin macno iyo nuxur ahaanba.

Waxaa laga yaabaa in fulinta falka lagu heshiiyo balse aan la gelin falkii kufsiga ahaa, xiitaa in aan isku-day jirin ayaa dhici karta, taana waxaa loo raacayaa xeerka ciqaabta oo aan dembi ka dhigayn arrintaas sida ku cad Qod.16, 17, 18, 19, 20, 235 XC.

Erayga kufsi waxaa la adeegsanayaa markuu falka kufsigu dhaco, haddii isku day jirana waxaa la adeegsanayaa isku-day kufsi, sidaasi-darteed qeexitaanka eraygani ma’ahan mid sax ah, mana tilmaamayo fal kufsi-wadareed ah ee wuxuu tilmaamayaa fal ku heshiin gelitaan kufsi oo aan la hubin in uu dhacayo iyo in kale, inkastoo sidiisa uu dembi u noqon karo, balse ma yeelanayo qeexitaanka halkaan lagu sheegay.

  • Xod-Xodasho:waa galaangal qofeed ee uu ku doonayo fal galmo in uu qof kale la qeybsado”.

Erayga xod-xodosho wuxuu leeyahay macno dhaqameed iyo mid luqadeed oo ay dadka soomaaliyeed u yaqaanaan, mana ku tusinayo qal-qaalo galmo, wuxuuna eraygan tilmaamayaa qal-qaalo iyo galaan-gal guur, sidaasi-darteed macnaha xeerku u sameeyay waa mid khaldan oo aan halkaan ku haboonayn.

Faallada 4: Qodobada: 3, 4, And 5 Iyo 6aad:

Waxay qodobadani si guud uga hadlayaan: macnaha galmo, galmada khayaariga iyo ujeeddada sharci ee xeerka. Faallada Qodobada 3, 4 aad waxaan nuxurkooda ku falanqeynay qodobka eray bixinta, halka qodobka 5aad aan ku falanqeynay qoramadii hore ee aan uga hadalnay khaladaadka guud iyo ujeeddada hindise-sharciyeed.Qodobka 6aad kuma jiraan wax tilmaamaya macno iyo murti ku saabsan mowduuca xeerkan, wuxuuna ka hadlayaa sinnaanta muwaadiniinta oo uu Dastuurku si cad uga hadlaya una qeexay.

Faallada 5aad: Qod.7aad: Xadgudub Galmo

Macnaha ama qeexitaanka xadgudubka galmo ee lagu sheegay qodobkan aad ayuu uga duwan yahay macnaha lagu sheegay eray bixinta ee qodobka 2aad ee isla xeerkan.

Qodobkani wuxuu xadgudub galmo ku fasiray marka si kas ah uu qof qaan-gaar ah uu qof kale uga taabto, qabto ama taabsiiyo xubinta taranka qof kale, halka macnaha hore uusan ku jirin in falka kas loo sameeyo sidoo kale taabsiin kuma jirin.

Waxaa kale oo laga fahmayaa in falkaasi dembi noqonayo marka labada qof is-ogol-yihiin sida ku cad faqradda 1aad ee qodobkan: “marka labada qofood oo is ogol ay wadaagayaan falka galmo”.

Mar haddii labada qofood is ogol yihiin siduu falku ku noqonayaa xad-gudub; taa caksigeeda waxaa laga fahmayaa in aanu dembi noqonayn haddii aanay is ogolayn.Faqradaha 2aad iyo 3aad ee qodobkani ma tilmaamayaan wax nuxur qaanuuneed ah, lamana haystaan macnaha qodobku tilmaamayo ee lagu sheegay faqradda 1aad.

Faallada 6aad: Qod.8aad: isku-day kufsi

Qodobku ma sheegayo dembiga isku-dayga kufsi, mana tilmaamayo qodobka xeerka ciqaabta ee dhigaya dembiga isku-day kufsi iyo ciqaabta lagu mutausanayo, sidoo kale sooma bandhgayo qodobada xeereed ee dheegay falka iskuday kufsi.

Faallada 7aad: Qod. 9aad: Kufsiga

Ciqaabta kufsiga ee qodobkan waxaa loo celinayaa ama loo tixraacayaa Shareecada Islaamka iyo Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed, hase yeeshee qodobku ma sheegay dalaalil ama naska shareecada iyo qodobka xeerka ciqaabta ee la raacayo ama la dabakhayo marka uu dhaco falka kufsiga ee halkaan ku xusan.Nuxurka iyo macnaha kufsiga uu ka hadlay xeerka ciqaabta waa ka duwan yihiin kan hindise-sharciyeedkan-sidaan kor ku soo sheegnay-, suurtagalna ma’ahan in la dabakho ciqaab ka duwan macnaha iyo murtida falka lagu sheegay halkan iyo kan lagu sheegay qod.398 XC.

Waxay arrintani abuuray mad-madow iyo muran ku yimaad xeerka lagu dhaqayo ama lagu ciqaabayo qofka lagu helo dembiga kufsiga, ma shareecada ayaa la raacayaa, ma xeerka ciqaabta, ma labadaba, waa in xeerka lagu caddeeyo ciqaab sugan oo uu yeelanayo ku xadgudubka qodobka.

Waxaa intaa dheer in aan qodobka lagu caddeyn qodob tilmaamayaa cuslaynta ama dhimidda dembiga iyo xaaldaha lagu dhaqmayo. Sidoo kale Xeerkani ma tilmaamayo, si cadna uma sheegayo galmada aan dabiiciga ahayn ee ku xusan Qod.400 XC.

Faallada 8aad: Qod.10aad: Kufsi Wadareed

Qeexitaanka iyo macnaha kufsi wadareed ee qodobkan wuxuu ka duwan yahay kan lagu sheegay qodobka 2aad ee isla xeerkan, labada qodobna waa is-burinayaan.

Erayga kufsi wadareed ee ku jira qodobka 2aad ee eray bixinta wuxuu dhigayaa marka ay wax ka badan labo qof ay ku heshiiyaan fulin galmo aan sharciga iyo shareecada ku bannaanayn, halka qodobkani tilmaamayo marka labo iyo ka badan ay si wadajir ah uga qeybgalaan fal kufsi ah.

Ciqaabta falkan waxaa loo celinayaa qodobka 9aad ee isla xeerkan oo aan sheegayn ciqaabta kufsiga, sidoo kale xaaladaha kordhinta ciqaabta iyadana laguma sheegin guud ahaan xeerkan.

Faallada 9aad: Qod.11aad: Dhiiri Gelin Fal Galmo (Jinsi)

Ciwaanka qodobka wuxuu ka hadlayaa dhiiri gelin fal galmo, aan is-weydiinee fal kasta oo galmo ah ma noqonayaa dembi? Ka waran haddii la isku dhiiri-geliyo in galmo badan la sameeyo si caruur badan loo dhalo? Halkeey uga qoran yihiin Shareecada Islaamka iyo Xeerk Ciqaabta dembiga iyo ciqaabta dhiiri-gelinta fal galmo.

Qod.407/1aad XC wuxuu ka hadlayaa dhiiri-gelin dhileysi, ciqaabta falkaasna waxaa lagu sheegay Qod.405/1aad ee isla xeerka ciqaabta, sidaas ayuuna qodobku u tilmaamayn wax ciqaab ah.

Waxay ahayd uga yaraan in la qaato eray bixinta Qod.407 XC ee xeerka lagu sheegay, inksata oo ay dhici karto in wax ka beddelka lagu sameeyo xeerka ciqaabta qodobaduna is-beddelaan, marka waxaa haboon in la tilmaamo in falkaasi uu ku jiro xeerka ciqaabta halka qodobka meeshaan lagu qori lahaa.

Faallada 10aad: Qod.12aad: Ganacsiga Fal Galmo (Jinsi)

Wuxuu  sheegayaa qodobku in qofka ka ganacsada fal galmo oo aan shareecadu banneyn uu galayo fal-dembiyeedka ka ganacsi “dhilleysiga dhoofin”, erayga dhilleysi ama sharmuutaysi sidiisa ayuuba ka ganacsi jireed u yahay.

Aan is-weydiinee ma laga ganacsan karaa fal galmo ah hadduu shareecada waafaqsan yahay, haddii si kale loo dhigo ma laga ganacsan karaa falal galmo ah oo shareecada waafaqsan?  Maba ahayn in la soo qaato shareecada Islaamka mar haddii laga hadlayo ka ganacsi galmo ama dhileysi waayoo waa caddahay in ay Shareecada Islaamka iyo Dhaqankaba ka soo horkeeddo.

Ma sheegin qodobku addillada shareecada ama qodobka xeerka ciqaabta ee jidaynaya ciqaabta falkaan. Midka la dabakhayo haddii ay iska horyimaadaan, ma shareecada mise xeerka ciqaabt, mise labadaba.

Ma cadda waxaa loola jeedo ka ganacsiga fal galmo ma filmada, sawirrada iyo cajaladahaa anshax-xumada galmadaa, mise waa in qofku iska duubo oo uu beec geeyo, dadkana ka iibiyo.

Ma cadda qofka dembiilaha ah ma kan jirkiisa ka ganacsadaa? Ma kan qofka u tagaa ama galo falka galmada dhileysiga? Ma kan goobta ganacsiga lahaa? Ma cadda nuuca ganacsiga, nuuca dadka iyo ciqaantaba.

Faallada 11aad: Qodobada 13, 14aad: Addoonsi iyo Addoonsi Galmo

Falanqeynta labada qodob waan isku xiraynaa maadaama ay xiriiraan nuxurkuna uu ku uruursan yahay Qod.14aad.

Ma cadda in addoonsi kasta noqonayo fal galmo iyo in kale, marka waxaa haboonayd in lagu kaaftoomo qodobka dembe ee ka hadlaya addoonsiga galmada, sidoo kale ma cadda halka shareecadu ku sheegtay in la tacsiirayo qofka fal addoonsi ah sameeyo ama xeerka ciqaabtu uga hadlay.

Haddii qofka laga duubay film loo ekeysiiyay galmo, ma waxay la mid tahay in loo galmooday? Sidoo kale qofka la qaawiyay ee qoob ka ciyaarkw lagu khasbay isagana ma loo galmooday? Waayoo galmadu waa ficil ama fal la sameeyo oo dabeecad gaar ah leh.

Ma sheegayo qodobka ciqaabta falka addoonsiga galmo, halka ay shareecada uga taal, sidoo kale qodobka xeerka ciqaabta ee dhigaya dembiga addoonsiga galmo iyo ciqaabtiisa.

Waxaa muuqata in qodobadaan laga soo min-guuriyay xeerar kale, balse halkaan turjumiddoodii lagu soo qoray.

Faallada 12aad: Qod. 15aad: xadgudub masuul

Hindise-sharciyeedkan waxaa lagu sheegay fal dembiyeedyo kala duwan oo aan isku Xukun iyo xeer ahayn, marka dembiga uu mas’uulku galayo waa kee, ma kufsiyaa, ma salaaxidaa, maka ganacsi jireed, ma addoonsi galmaa? Sidoo kale dadka nugul ma intaanaa? Maxaa loola jeedaa waayeel cadh? Haddii uu yahay waayeel socon karo maxaa laga yeelayaa?

Qodobkani ma caddeynayo ciqaabta lagu mutaysanayo falkan iyo halka ay shareecada iyo xeerka ciqaabta ugaga jiraan. Ma cadda falka isku dayga ee halkaan lagu sheegay, ma kufsiyaa, ma galmo sharci darro ahaa? Muxuu yahay?

Faallada 13aad: Qod.16aad: Dalxiis Galmo

Nuxurka iyo macnaha qodobkani ma cadda, waxaa kale oo aan caddeyn sida qof kasta oo u dalxiis tago dal kale si’ uu sameeyo fal galmo sharci darro ah u noqonayo dembiile, iyada oo ay dhici karto in dalka uu u dalxiis tagayo uusan dembi u aqoon falka galmada ee sharci darrada lagu tilmaamay.

Xeerkee la dabakhayaa ma xeerkan mise xeerka dalkaas loo dalxiis tagay? Haddii xeerka waddankaasi dhilaysiga ama ka ganacsiga jirka uu bannaynayo maxaaa laga yeelayaa?

Ciqaabta falkaas inteey shareecada uga qoran tahay, yaase fulinaya haddii ay dhacaan xaaladaha aan ku tilmaanay faqradaha hore. Ma cadda meesha ay qodobadaani ama dembiyadaani uga xusan yihiin xeerka ciqaabta soomaaliyeed.

Siduu dembiile ku noqon karaa qof kasta oo soo dhaweeyay ama martiqaaday qofka doonaya falka galmada sharci darrada ah, mar hadduusan ka qeybgelin falka dembiga ah? Ama aanu ogolaan ama aanu falku dhicin ama dalka uu ku nool yahay uusan xaaran-tinimaynayn falalka nuucaas oo kale ah.

Faallada 14aad:Qod.17aad:  Dhoofin Fal Galmo

Ciwaanka qodobkan waxaa mad-madoow, mana tilmaamayo wax nuxur ama macno qaanuuneedna , waayoo ma cadda sida ay suurtagal ku noqon karto in la dhoofiyo fal galmo, maadaama galmadu aysan ahayn shey ama walxo la dhoofinayo ee ay tahay fal la samaynayo oo qof samaynayo, dalxiis haku yimaad ama gurigiisa ha joogee.

Waxaa kale oo aan caddeyn sida looga qeyb-qaadan karo dhoofin galmo ama loo abaabuli karo, arrimahaas oo dhan suurtagal ma’ahan in la sameeyo, balse waxaa muuqata in ujeedka looga goleeyahay ka ganacsiga jinsiga ama jirka sida dhilleysiga, aha noqdaan kuwa gudaha dalka lagu sameeyo ama dadka samaynayo loo dhoofiyo ama ay ka soo dhoofaan kana yimaadaan dalka dibaddiisa.

Waxaa habboon in la is waafajiyo ujeedka xeerka iyo earayada la adeegsanayo si loo helo macno iyo  nuxur waafaqaya yoolka ama ujeedka  erayga “dhiifin galmo”.

Qodobku ma caddeynayo dembiga qofka la dhoofinayo, haddii uu raali ka yahay dhoofinta, ma wuxuu la dembi yahay kan dhoofinaya, mise waa ka dembi yaryahay, sidoo kale qodobku ma sheegayo adillada iyo nusuusta shareecada ee xaaranti-nimaynaysa falkaan iyo ciqaabta lagu mutaysanayo, sidoo kale ciqaabta uu yeelanayo mid kasta oo ka mid ah kuwa gala fal dembiyeedkan.

Faallada 15aad: Qodobka 18aad Qasbid Guur

Nuxurka qodobku ma cadda oo mugdi ayaa ku jira, maadaama guurka qasabka iyo guurka aysan ehalku ogayn ama ogolayn ay kala duwan yihiin, sidoo kale guur kasta oo aanay ahalku ogayn aanu noqonayn dembi ay ciqaabi ka dhalanayso.

Mar haddii guurku ansax yahay shareecada ma khilaafayo, hadduu shareecada khilaafsana looguma yeerayo guur ama laguma tilmaami karo guur.

Ma cadda ciqaabta ka dhalaysa iyo haddii ay dembi tahay hadduu waalidku qasbo ama ahalku ku khasbo gabadha ama wiilka in uu guursado ama ay guursato.

Guurka qasabka ah ma wuxuu ku kooban yahay gabadha oo keliya, mise wiilka ama wiilashuna way soo hoos-galayaan? Kolka la eego macnaha qodobka waxaa cad in qof kasta nuucuu rabo ha noqdee ee qof kale si xoog ah ugu qasbo guurka-wiil ama gabar.

Ma tilmaamayo qodobku adillada ama xeerka ciqaabta ee dembiga ka dhigaysa arrintaan, sidoo kale sida ay isku ciqaab ku noqon karaan qofka falka gaystay iyo qof gacanta-siiyay, maadaama ay labo fal kala yihiin.

Waxaa kale oo aan caddeynfal dembiyeedka xuquuqda qofka la khasbay ee qodobku sheegayo, meesha uu uga qoran yahay xeerka ciqaabta soomaaliyeed.

Faallada 16aad: Qod.19aad: Daandaansi Galmo

Erayga daandaansi ma’ahan eray qaanuuneed oo ku haboon halkaan, sida muuqata waxaa laga soo turjumay eray af-ingriiska ee (stalking ama erayga unwanted sexual touching), hase yeeshee ma cadda macnaha iyo nuxurka dhabta ah ee ciwaanka oo ka duwan nuxurka qodobku ka hadlayo.

Faqradda 1aad waxay daandaansi ku macneysay damac-gelin dalab shaqo, dallacaad, siin shey qiimo leh, arrimahaas oo idil kuma tusinayaan macnaha luqadeed ee erayga daandaansi.

Halka faqradda 2aad sharxayso faqradda hore waxayna taasi ka hor imaanaysaa arrimaha la xiriira qodobaynta ama hab qoraallada xeerka, waana arrin habka xeer-dejinta khilaafsan.

Ma sheegayo qodobku ciqaabta ka dhalanaysa falka dembiga lagu sheegay, maadaama dembi ciqaab la’aan ahi aanu jirayn.Ma cadda in falku yahay dembi ama madani, maxkamadda ikhtisaaska u leh, cidda dhaqaajinayso.

Faallada 17aad: Qodbka 20aad: Adeegsi Maandooriye

Ma qeexna nuxurka iyo macnaha qodobku, sidoo kale ma sheegayo qodobku ciqaabta ka dhalaysa haddii falkaas lagula kaco qof aan ka mid ahayn dadka taagta daran ama nugul.

Ma cadda macnaha loola jeedo “maahsanaan”, sidoo kale ma caddaciqaabta ka dhalaysa fal dembiyeedyada qodobku xusay, adillada shareecada ama qodobada xeerka ciqaabta ee dembiga ka dhigaya isla-markaana jidaynaya ciqaabtood.

Faallada 18aad: Qodobka 21, 22aad: Afduub iyo Afduub Ganacsi

Waxay ahayd in lagu ekaado qodobka 22aad ee ka hadlaya afduubka ganacsi, maadaama hindise-sharciyeedku uu ka hadlayo dembi galmo.

Qodobka hore wax nuxur iyo macno qaanuun ah ma samaynayo, kumana haboona halkaan, maadaama dembiyada afduubka iyo mowduuca la xiriira lagu nidaamiyay xeerar kale, waxay ahayd in laga hadlo oo keliya afduubka ujeedkiisu yahay xadguudb jinsi.

Sidoo kale ciwaanka qodobka 22aad waa mid aan faham sax ah ka bixinayn afduub ujeeddo galmo ama jinsi ha noqoto mid hadaf ganacsi laga leeyahay ama mid kale.Ma sheegayo qodobku, ciqaabta ka dhalanaysa falka dembiga lagu sheegay.

Qodobku ma sheegayo adillada iyo qodobada xeerka ciqaabta ee jidaynaya ciqaabta fal dembiyeedkan.

Siiqada iyo luqadda uu ku qoran yahay qodobkani aad ayay u hoosaysaa, waxayna macno tiraysaa ujeedka xeereed ee qodobka.

Faallada 19aad: Qod.23aad: Baahin Galmo

Qodobku wuxuu ka hadlayaa fal-dembiyeedyo kala nuuc ah oo dabeecad ahaan u kala duwan isla-markaana aan isku dembi iyo ciqaab noqon Karin, sidoo kale ma jidaynayo ciqaabta ka dhalanaysa falalka nuucaan oo kale ah iyo ciqaabta lagu mutaysanay, sidoo kale ma sheegayo adillada shareecada ama qodobada qaanuuneed ee lagu dhaqayo qof gasha fal dembiyeedyadan;

Ma sheegayo qodobku qofka isagu iska duubay ama raaliga ka ah in laga duubo ama la baahiyo muuqallada anshaxa ka soo hojeedo iyo ciqaabta uu mutaysanayo. Ma cadda waxa loola jeedo  yahay xeerka anshaxa bulshada ee ku soo noqnoqday qoraalka hindise-sharciyeedka.

Waxaa mugdi ku jiraa ujeedka “fal dembiyeedka sharaf dil shakhsi”, ma waxaa loola jeedaa dembi ka duwan kan xeerkani tilmaamayaa, mise mid cusub, maxay ku kala duwan yihiin isaga iyo kan xeerku sheegay.

Falka baahin galmo ma noqon karaa mid la isku dayo, mar haddii uusan dhicin oo aan la gaarin ujeedkii laga lahaa baahinta galmada, soo sidaas kuma noqonayo fal aan dhicin.

Faallada 20aad. Qod. 24aad: Ka Ganacsi Muuqaal Galmo.

Qodobku wuxuu nidaaminayaa falal kala duwan oo isugu jira ka ganacsi muqaallo galmo oo anshaxa iyo akhlaaqda ka soo horjeeda, wuxuu dhigayaa qodobku dembinimada qofka gala falkaas, sidoo kale qofka isku-dayo falkaas.

Ma sheegayo qodobku ciqaabta fal kasta ee ka mid ah kuwa lagu sheegay qodobka, sidoo kale ma tilmaamayo ciqaabta ku xusan shareecada iyo xeerka ciqaabta.

Arrinta la xiriirta baahinta lagu sameeyo qof qiimaha ku leh bulshada in lagu mutaysanayo 80 jaydal waa mid aan qiimo-gal ahayn, maadaama loo siman yahay sharciga hortiisa, kan xushmadda leh iyo kan kale waa isku ciqaab waana xad ay shareecadu goysay, marka in lagu gaaryeelo siyaasiga iyo qofka xushmadda leh waa arrin ka soo horjeeddo mabaadi’da guud ee Shareecada Islaamka iyo Dastuurka Dalka.

Waxaa kale oo iska soo horjeeda ciqaabta ku xusan xadka qadafka ee shareecada iyo tan ku xusan xeerka ciqaabta ee qadafka, marka waxaa dhalanaya muran la xiriira kan la dabakhayo maadaama aan halkaan lagu caddeyn.

Ma cadda sida loo fulinayo saddexda sharci ee qodobka lagu sheegay,  ma isku mar baa la dabakhayaa ama la fulinayaa, kee la raacayaa, ma kan shareecada, ma xeerka ciqaabta ama se xeerka anshaxa bulshada oo aan la ogayn jiritaankiisa.

Faallada 21aad: Qod.25aad: Xodxodasho

Waxaan qodobkaan nuxurkiisa ku falanqeynay qeybta 1aad ee qodobka 2aad ee eray bixinta, faaladiisa waxaa loogu noqonayaa qodobbkaas.

Faallada 22aad: Qod.26aad: Guurka Da’yarta (Caruur)

Qodobkaan waxaa ku jira iskhilaaf, waayoo wuxuu tilmaamayaa in shareecadu ogashahay guurka da’yarta haddana wuxuu dhigayaa in galmada la sugayo ilaa uu qofka yari ka yeelanayo awood galmo, sidoo kale ay ka dhalanayso ciqaabta tacsiirka, hase ahaatee qodobku ma sheegayo adillada dhigaysa tacsiirka ee shareecada islaamka, sidoo kale ma sheegayo da’da qaan-gaarka ama awoodda galmada, si ay u caddaato waxa loola jeedo da’yarta ama erayga caruur.

Waxaa kale oo kala caddeyn u baahan doonashada da’yarta iyo guurka iyo nikaaxa, mar haddii nikaax dhaco taa macnaheedu waa in qofka la guursanayo ama wax guursanayo uu yahay mid qaan-gaar ah.

Faallada 23aad. Qeybta 3aad: Baaritaanka dhibka dadka nugul

Qeybtani waxay ka kooban tahay 3 qodob (27, 28, 29) waxayna sharaxaad iyo tilmaamo ka bixinaysaa arrimaha la xiriira dhowridda dadka nugul, u gudbinta ha’adaha dowladda tacaddiyada lagula kaco dadka nugul iyo baaritaannada la xiriira.

Waxay inta badan qeybtani ka hadlaysaa habraacyo, sidaasi darteed wax faallo ah kama bixinayno, maadama aysan tilmaamayn dembiyada ka dhalanaya arrimahaas iyo ciqaabaadka lagu mutaysanayo marka laga reebo Qod.29/2aad oo dhigaysa in qofkii ka maaga ama aan ku wargelin hay’adaha amniga markuu ogaado falalka tacaddiyada dadka nugul in uu mutaysanayo ciqaabta ku xusan sharciga ciqaabta Soomaaliyeed ee lagu jideeyay qeybta dambiyada “maagsiga” (omission), balse waxaa is-weydiin mudan ciqaabta maaggsiga halka ay uga qoran tahay xeerka ciqaabta. Xiitaa ma cadda in erayga maagsiga laga helayo xeerka ciqaabta iskadaa in uu noqdo fal dembiyeed ciqaab lagu mutaystee.

Faalada 24ad:  Qeybta 4aad: Xuquuqda Dhinacyada

Qeybtani waxay ka kooban tahay 5 qodob (30, 31, 32, 33, and 34) waxayna si guud uga hadlaysaa xuquuqaadka dhinacyada ee la xiriira habraaca Dacwadda iyo xuquuqda madaniga ee la socota tan ciqaabta.

Arrimahaan waxaa lagu faahfaahiyay Dastuurka KMG, sidaasi darteed wax macno ah ma samaynayso in xeerkan lagu sheego, maadaama ay yihiin xuquuqaad dastuuriya oo uu leeyahay muwaadin kasta.

Faalada 25aad. Qeybta 5aad: Caddeymaha Ciqaabaadka

Qeybtani waxay ka kooban tahay saddex qodob (35, 26, 37) waxay sharxaysaa hannanka caddeymaha, aqoonsiga dadka nugul iyo xaaladaha cusleeya dembiga.

Qeybtani ma sheegayso wax nuxur qaanuuneed ah, mana tilmaamayso dembiyada marka laga reebo qod.37aad oo sheegaya xaaladaha dembiga cusleeya oo kor lagu soo falanqeeyay isla-markaana aan ku baahnayn in qodob gooni looga hadlo.

Sidoo kale xaaladaha lagu sheegay qod.37aad wax nuxur iyo murti xeer ah oo ay tilmaamayaan ma jiraan, waxayna u muuqdaan kuwa la iska tixay oo aan wax macno ah xambaarsanayn, waayoo xaaladaha dembiga cusleeya waxaa lagu sheegay meelo badan oo ka mid ah xeerka.

Faalada 26aad. Qeybta 6aad: Qodobo Kala Duwan

Waxay qeybtani ka kooban tahay labo qodob(38, 39) aad u kala nuxur kedisan, qodobka 38aad wuxuu ka hadlayaa qorshaha qaran ee ka hortagga kufsiga, mana ahan qodob tilmaamaya dembi ama ciqaab; halka qodobka 39aad uu tilmaamayo dhaqan-galka xeerka.

TALO SOO-JEEDIN:

Waxay taladeydu ku aruuraysaa arrimaha soo socda:

  1. In aan garwaaqsannaano tacaddiyada jinsiga ee ku soo badanaya dalkeenna iyo sida looga hortagi karo, dadkana looga wacyigeli karo iyadoo hormuud laga dhiganayo Culumada, indheer-garad, Macalimiinta iyo Guud ahaan bulshada.
  2. In laga foojignaado dhaqanka mashaariicda iska noqday ee lagu wajahayo arrinta tacaddiyada la xiriira kufsiga, maadaama aysan u adeegayn Diinta iyo Dhaqanka Suuban ee Bulshada Soomaaliyeed.
  3. In wax allaaliyo wixii la xiriira xuduudda loo daayo sida ay shareecada ugu qoran tahay looguna noqdo Kitaabka iyo Sunnada Nabiga N.N.K, maadaama ay yihiin adillo sugan oo qadci ah.
  4. In wax ka beddel(amendment) lagu sameeyo qodobada xeerka ciqaabta ee nidaaminaya arrimaha la xiriira tacaddiyada kufsiga meelna la iska dhigo hindise-sharciyeedkan, maadaama Qodobada 398-410 iyo 425-427 XCS ay ka hadlayaan inta badan dembiyada uu tixay hindise-sharciyeedkan.
  5. In wixii ka soo hara arrimaha Xuduudda ee sharciga Islaamku gooyay, loo raaco ijtihaadka ugu habooon ee la tacaali kara, xalna u noqon kara ka hortagga iyo la dagaallanka falalka tacaddiga lidka ku ah Haweenka Soomaaliyeed ee sharafta badan iyo Caruurta yaryarka ah ee aalaa lagula kaco fara-xumaynta.
  6. In aan lagu degdegin ciqaabaadka ka dhalanaya falalka la xiriira kufsiga, si quman oo hufanna loo baaro iyadoon la qiimaynayn caadifadda dadka, balse la dhowrayo habraaca caddaaladda ee la xiriira dembiyada iyo baaristooda, sidoo kale in eedeysanuhu helo xaqa dastuuriga ee habraaca Dacwadda iyo xuquuqda eedeysanaha ee sharcigu tilmaamay.
  7. In Baarlamaanka Federaalka uu wax ka beddelo habraaca xeer-dejinta, laguna amro hay’adda fulinta in ay mashruuc xeereed soo diyaariso kuna soo lifaaqdo warbixn, daraasad iyo cilmi-baaris ku qotonto waaqica iyo xaaladda bulsho, diin, dhaqan-shaqaale ee dadka soomaaliyeed, sidoo kale la tixgeliyo sooyaalka sharci ee dalka.
  8. In hindise-sharciyeedyada lagu diyaariyo afka soomaaliga oo aan loo gacan-gelin diyaarintooda dad aan garanayn luqadda soomaaliga, sidoo kale aan xirfadle-yaal sharci ahayn oo ka soo koobiyaynaya ama ka soo min-guurinaya dalal kale oo aan kala diin iyo dhaqan naahay.
  9. In xeer kasta oo la diyaarinayo lala kaashado sidoo kale lagala tashado sharciyaqaannada gaar ahaan qareennada iyo ururrada qareennada iyo hay’adaha cilmi baarista.
  10. In aan la qaadan aragti ama rabitaan hay’ado ama dalal kale ee la tixgeliyo rabitaanka iyo doonista dadka xeerka loo dejinayo.
  11. In qof kasta oo lagu eedeynayo fal dembiyeedka kufsiga ama tacaddiyada kale uu helaa xaqii isdifaaca, sidoo kale lagu dhagaystaa dacwaddisia Maxkamadda awoodda u leh, loona ogolaadaa racfaan si aan qof dembi la’aan ah loo ciqaabin.
  12. In hay’adaha dowladda heer kasta oo ay yihiin ay ilaaliyaan sarreynta sharciga iyo ku dhaqankiisa, sidoo kale la dhowro xuquuqda eedeysanaha ee Dastuuriga ah, sidoo kale aan la ogolaan in si sharciga ka baxsan qof loo ciqaabo ama loogu fuliyo ciqaab.
  13. In aan la ciqaabin qof aysan Maxkamadii ku helin dembi, xukun kama dembeys ahna aany ku dhicin, si looga baaqsado in muwaadin barii ah ama aan dembigi gelin la ciqaabo ama lagu fuliyo ciqaab.

Qareen Zakariya Ismaaciil Nuur – Waxaad kala xiriiri kartaa Zakariyei@gmail.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid