Madasha oo mowqif aan la fileyn ka qaadatay heshiiska SHIRKII Dhuusamareeb 3

Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Xisbiyada Qaran ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray goordhoweyd wuxuu kaga hadlay shirkii lagu soo gaba-gabeeyey gudaha Dhuusamareeb iyo heshiiskii lagu gaaray, kaasi oo ay ka maqnaayeen maamulada Puntland iyo Jubbaland.

Madasha ayaa si aan la fileyn usoo dhaweysay heshiiskaasi lagu gaaray shirka Dhuusamareeb-3, iyadoona sheegtay in hanaanka doorasho ee la isla gaaray uu yahay mid loo qaaday dhanka saxda ah ee qabsoomida doorashada.

Madasha waxay lagama maarman ku sheegtay in xiligan la helo heshiis loo dhan yahay, si loo gaaro hanaan doorasho oo wada ogol ku yihiin saamileyda siyaasada dalku, isla markaana u dhan yihiin.

“Madashu waxay soo dhaweynaysa hanaanka doorasho ee kasoo baxay shirka Dhuusamareeb-3, waxayna u aragtaa hanaankaasi inuu yahay tallaabo loo waaday dhanka saxda ah” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Madasha.

Waxa kale oo lagu yiri “Madashu waxay aaminsan tahay heshiiska Dhuusamareeb-3 in uu weli u baahan yahay dhameystir wada-ogol ah sidii hore”.

Madasha ayaa sidoo kale sheegtay in ka maqnaashaha Puntland iyo Jubbaland ee shirkaasi uu wax u dhimayo wada-jirka lama huraanka ah ee hanaanka doorasho iyo weliba sidii lagu heli lahaa go’aan wadar ogol ah.

Ugu dambeyntiina Madasha ayaa war-saxaafadeedkaasi ku sheegtay inay dhawaan soo saari doonto faah-faahin ku aadan mowqifkeeda rasmiga ah ee qodobadda heshiiska ah ee kasoo baxay shirka Dhuusamareeb-3.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka Madasha oo dhameystiran: