Mahad Salaad oo laba su’aal oo cabsi leh ka keenay xildhibaanada cusub ee la soo dooranayo 2020/21

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan golaha shacabka ayaa su’aalo adag ka keenay sida ergada soo dooraneysa xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka 11-aad ay uga bad-qabi karaan Al-Shabaab.

Xildhibaanka oo qoraalkan soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa qormadiisa ku bilaabay su’aashan, “Suurtogal ma tahay in Alshabaab dowr ku yeeshaan doorashada soo socota 2020 – 2021?”

Waxa uu mid mid u dul istaagay caqabadihii ay wajaheen ergadii soo dooratay xildhibaanada haatan shaqeeya ee baarlamaanka 10-aad.

“Ergadii 14 kun ahayd ee sanadkii 2016 soo doortay 275 Xildhibaan Golaha Shacabka intooda badan waxay noqdeen kuwa la dilay, kuwa Alshabaab isku dhiibay, kuwa ka cararay dalka iyo kuwa afar sano dhuumaaleysi ku jiray” ayuu yiri.

Mahad Salaad ayaa qoraalkan ku soo bandhigay laba su’aalood oo kala ah.

  1. Ku dhawaad 83 kun ee hada wax ha doorteen la yiri xagee laga keenayaa, hadiise ay noqoto in la helo maxaa damaanad ah oo ay heystaan in aysan mari doonin wadadii ay mareen kuwii iyaga ka horeeyay?
  2. Sidee looga ilaalinayaa odoyaashii iyo ergadii isku dhiibay Alshabaab in ay ka soo mid noqdaan kuwa hada wax dooranaya, si inta u soo xulaan ergo Alshabaab aysan u soo dooran Xildhibaan Alshabaab ah?

War-murtiyeedkii shirkii Dhuusamareeb-3 ayaa lagu shaaciyey in xildhibaanada kuwaan bedelaya kiiba ay soo dooraneyso 301 qof oo ergo ah, halka kuwa haatan shaqeeya ay soo doorteen kiiba 50 ergo.