Dhagaha PUNTLAND ma dhuunta ayey ku yaallaan?

Ummadda Soomaaliyeed waxaa ka dhexeeya baahi aan dhammaanayn sida diinta, dalka, deegaanka, daaqa, dawladnimada,  darisnimada, luqadda, ehelnimada, wada noolaanshaha iyo wax badan oo aan halkan lagu soo koobi karin. Soomaalidu waa badar qabe iyo biyo qabe isu baahan oo aan sinna u kala maarmin.

Burburkii loo gaystay qarannimadii Soomaaliyeed kadib, waxaa la isku dayay oo waqti iyo hanti badan ku luntay sidi Soomaali dib isugu soo noqon lahayd oo maalinba meel bay soo joogtay, caqabado badanna way la kulantay isku-daygaa. Dib-u-heshiisiinnadii qaranka Soomaaliyeed dib loogu soo celinayay waxaa gogosheeda dhigi jiray dawlado ajnabi ah sida Djibouti (xilligii Cali Mahdi iyo xilligii Carta), Ethiopia (Addis Ababa iyo Sodere), Shirkii Qaahira ee Masar iyo Kenya (Eldoret iyo Mbagathi).

Wada tashiyo kale oo fara badan baa dalka gudihiisa ka qabsoomay taas oo fududeynaysay mar walba in la wada hadlo. Waxaa ka mid ahaa heshiiskii dhex maray Cabdullaahi Yuusuf iyo Maxamed Faarax Caydiid xilligii maamulkii Sal-Ballaarta la baxay iyo wada tashiyadii kale ee ay ku dhismeen maamul goboleedyo iyo maamul ku dhawaaqay gooni isu tag kuwaas oo markaa loo arkayay maslaxad lagu gaaro Dawlad Soomaaliyeed.

Dadaalladaa dib-u-heshiineed ee faraha badnaa waxaa ugu dambayn laga dhaxlay in ay dhalato Dawlad ku meel gaar ah sanadkii 2000. Dawladdii ku meel gaarka ahayd waxay horseed u noqotay in la gaaro Dawlad madax bannaan oo caalamku aqoonsan yahay oo ku dhisan nidaamka federaalka.

Puntland waxay dawr wayn ku lahayd dib-u-heshiisiinnadaa aan kor ku soo xusnay ilaa ay isku magacawday hooyadii federaalka. Waxay sidoo kale Puntland nasiib u heshay in Soomaali ku wada tashato caasummadeeda Garowe, wada tashiyadaa oo loo garan ogyahay Garowe1 iyo Garowe2 ayaa noqday mid miro dhaliyey oo loogu gogol xaaray in Soomaali ka baxdo kumeel gaarka. Heshiiskaa Garowe1 iyo Garowe2, waxaa ka dambeeyey wada tashiyo badan oo madaxweynayaasha qaran ay mar walba ka soo qayb galayeen, laguna qabanayay Garowe.

Soomaalidu maadaama aysan kala maarmin, dano is diidayana ay qayb waliba wadatay oo kala maan ah, ayaa haddana waxay hallkaa ku soo gaareen tanaasul iyo isu dhimrin, oo inta badan ka imaanaysay Soomaalida kale marki laga reebo Puntland.

Haddaba, Puntland maxay hormuudnimadii ku badalatay?

Sidaannu wada ogsoonnahay, Puntland waxay diidday in ay ka qaybgasho gunaanadkii shirarkii wada tashi ee isdaba joogga ahaa ee Dhuusamareeb ka dhacayay ayada oo ku xirtay ka qaybgalka shirkaa shuruudo aan garawsho lahayn. Dhuusamareeb ka horna, Puntland waxay diidday marti qaadyo Madaxweynaha Dawladda Federaalka u fidiyey. Puntland ma Farmaajay diiddan tahay, mise Soomaali?

Puntland iyo siyaasiyiinteeda qaar ma mid ah ayaa marar badan ku tilmaamay Madaxweynaha dalka, Mudane Farmaajo in uu yahay ‘Kaligi-Taliye’ macangag ah, tilmaamtaa oo noqotay mid aan sal iyo raad lahayn  ka dib markii uu Farmaajo muujiyey dabacsanaan, tanaasul, u turid ummadda Soomaaliyeed, qaadashada talooyinka dadka ka ra’yiga duwan ay soo jeediyaan tan iyo markii uu xukunka qabsaday, maragna ka noqdeen madaxda dawlad goboleedyada.

Haddaba, miyaan la oran karin waxaa kaligi talisnimadaa Farmaajo lagu tilmaamay ku sifoobay hoggaamiyayaasha Puntland iyo Jubaland oo iska dhaga tiray farriimihii ay u soo gudbiyeen gaal iyo muslimba in ay ka qaybgalaan xal-u-raadinta doorashada qaranka Soomaaliyeed taas oo loo arkayay in ay ahayd xalkii ugu dambeeyey ee looga samata bixi lahaa khilaafaadkii iyo dhibaatooyinkii muddada dheer soo jiitamayay ee hor taagnaa masiirka ummada Soomaaliyeed.

Waxaa is waydiin mudan humaagga Puntland iyo Jubaland u muuqda oo ay arki waayeen maamul goboleedyada kale ee Soomaaliyeed, Dawladda Federaalka iyo Beesha Caalamka?

Puntland waxa ay iska indha tiraysaa duruufaha ay ku sugan yihiin dadka Soomaaliyeed guud ahaan iyo dadka reer Puntland gaar ahaan ayaga oo diiddan in ay dalka ka dhacdo doorasho toos ah sida ay iyaduba ugu fashilantay in ay Puntland ka dhacdo doorasho toos ah 22 sano kadib.

Sida uu ka dhawaajiyey Madaxweyne Farmaajo inkasta oo uusan carabka si toos ah ugu dhufan, Puntland iyo Jubaland waxay doonayeen walina doonayaan in ay ayagu soo magacaabaan mudanayaasha ku meteli doonaa golayaasha Baarlamaanka ee labada aqal ayada oo aan doorasho la galin, sida ay horeyba caadadu ugu ahayd.

Haddaba, maxay mudanayaasha cusubi kaga duwanaan karaan mudanayaashii hore oo ay Puntland iska diidi jirtay xeerarka iyo shuruucda ay ansixyaan ayaga oo ku meteleyay Puntland labada aqal? Puntland waxay diidday xeerkii doorashada lagu gali lahaa 20/21, xeerkii batroolka, xeerkii badda, xeerkii hawada, dayn cafintii Soomaaliya iyo qaar kale oo badan. Yay matalaan baarlamaanka labada aqal, haddii aysan matali karin dadkii ayaguba soo doortay?

Waxaa xaqiiq ah in Puntland aysan lahayn han siyaasadeed oo ay kaga qayb galaan hogaaminta dalka, waxaadna u malaysaa in ay danaynayaan kaliya in Dawladda Farmaajo meesha ka baxdo cid kasta oo kale ha timaaddee taas oo ah libin xasad oo ay Soomaalidaba u badan tahay ninki wax qaban waayaa uu colaadiyo kan wax qabanaya.

Haddaba, Puntland dhagaheedu ma dhuuntay ku yaallaan oo waxay doonaysaa in lagu laaluusho danaha qaranka Soomaaliyeed oo ay iyaguba ka mid yihiin waajib saaranna ku tahay in ay raadiyaan?

Nasrudin Mohamed Ahmed – Waxaad kala xiriiri kartaa Email: ahmedfiqi2018@gmail.com 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid