‘Farmaajo haddii uu diido Dhuusamareb 4 waa in laga dabageeyo saaxibkii Khayre’

Waxaa in mudo ah kolba madaxa derbi ku dhifanaayay Madaxweyne Farmajo, laakiin kama danbeystii tabartiisa siyaasadeed ayaa u run-sheegtay.

Madaxweyne Farmajo wuxuu in mudo ah ku dheganaa:

1. Doorashada 2020/2021-ka waxaa lagu xeerinayaa “Sharciga Doorashoyinka Qaranka ee Heer Federal”, ee Labada Gole-ogolaadeen 2/2/2020, isla-markaasna Madaxweyne Farmaja-na saxiixay 20/2/2020 kii.

2. Iyo in doorashadu tahay “Hal-Qof-iyo-Hal-Cod”.

Dhanka kale Madaxweyne Farmajo wuxuu diidanaa in aay dalka ka dhacdo “Doorasho la isla ogol-yahay xiligeedana ku dhacda”.

Miraha Shirkii Dhusa-Mareeb 3:

Sida ku cad “Heshiiska Dhusa-Mareeb 3” Madaxweyne Farmajo waa ka tanaasulay 2-dii qodob ee uu ku dheganaa sida ku cad “Heshiiska Dhusa-Mareeb 3”.

Mara-ku dhegii ugu danbeeyay:

Hase-yeeshee Madaxweyne Farmajo wuxuu si-indha la’aan ah ugu dhegan-yahay in Gudiga Madaxa-Banaan Ee Doorashoyinka Qaranku in uu hogaamiyo Doorashada 2020/2021-ka (fiiri Qodobka 13-aad).

Sidaas oo kale waxaa Madaxweyne Farmajo ku dhegan-yahay in “Heshiiska Dhusa-Mareeb 3” in la geeyo Golaha Shacabka (fiiri Qodobka 12-aad) ee heshiiska.

Su’aal (1): Hadiiba la tuuray ama dhinac la iska dhigay “Sharcigii Doorashooyinka Qaran ee Heer Federal” ee Madaxweyne Farmajo saxiixay 20/2/2020-kii, sharcigee ayeey Gudiga Madaxa Banaan ee Doorashoyinka Qaranku ku maamulayaan Doorashada 2020/2021-ka?

Su’aal (2): Ka hor inta aan heshiis-kaani Golaha Shacabka la-weydiin in aay aqbalaan: Horta Madaxweynuhu jawaab ma u-hayaa Golaha Shacabka hadii la weydiiyo: Mudane Madaxweyne aaway Sharcigii Doorashada ee Golaha Shacabku horay u ansaxiyay?

Dhab ahaantii Madaxweyne Farmajo jawaab uma haayo 2-daas su’aalood.

Sharci ahaanshaha in Gudiga Doorashada ee Madaxa Banaan in uu Doorashada 2020/2021-ka maamulo iyo ka qancinta Golaha Shacabka in Madaxweyne Farmajo joojiyay ku dhaqanka Sharcigii Doorashooyinka Qaranka.

Culayska ka dhalan-doona labadaas arimood waxay horseedi-doonaan “Muran-siyaasadeed”, sababta oo ah horay ayuu Madaxweyne Farmajo Golaha Shacabka ugu balan-qaaday in aanu aqbali-doonin in talada lala-garab maro Golaha Shacabka…Sidaas oo kale Maamul-Goboleedyada xooga leh sida Puntland iyo Jubbaland iyo Madasha Xisbiyada Qaran ma aqbali-doonaan in Gudiga Madaxa-Banaan ee Doorashoyinka Qaranku maamulo Doorashooyinka 2020/ 2021-ka sababta oo Gudigu mahaysto sharci uu wax ku maamulo.

Gebagebadii, Shirkii Dhusa-Mareeb 3″ wuxuu sababi-doonaa “guul-daro siyaasadeed” oo u soo hoyata Madaxweyne Farmajo iyo “muran-siyaasadeed”, oo saameeysa guud ahaan siyaasada Soomaaliya, gaar ahaan arimaha doorashooyinka ee 2020/2021-ka.

XALKA

Wadada (ama xalka) kaliya ee Madaxweyne Farmajo u furan waa:

1. In uu si cad oo aan leex-leexad lahayn umadda Soomaaliyeed ugu sheego in uu aqbalay baaqii Maamul Goboleedyada, Madasha Xisbiyada Iyo Aqalka Sare ee ahaa in Dalka laga qabto “doorasho la-isla-ogolyahay isla markaasna ku dhacda waqtigeeda”.

2. In Madaxweynuhu ku dhawaaqo ‘Shirka Dhusa-Mareeb 4″ isla markaasna horay usii sheego in wax lagu duldhisi-doono mirihii “Shirkii Dhusa-Mareeb 2”, isla markaasna meesha laga saaray wixii ka soo baxay “Shirkii Dhusa-Mareeb 3”.

Wadadaas Alle haku hanuuniyo Madaxweyne Farmajo, hadiise uu-diido wadada saxda ah ee u furan Golaha Shacabka ee Soomaaliya waa in laga daba-geeyo saaxiibkiis Khayre, si dadka Soomaaliyeed looga badbaadiyo.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid