Xiisada dagaal ee Libya oo waji cusub yeelatay (Warbixin)

Tripoli (Caasimada Online) – Dowladda Libya ee caalamku aqoonsan yahay ee fadhigeedu yahay caasimada Tripoli ayaa maalin-nimadii Jimcihii ku dhawaaqday xabad joojin ka hirgasha dalka, midaasi oo noqoneysa waji cusub oo xaalada cakiran wax ka badala.

Dalkan qaniga ku ah saliida ayaa ku jiray xiisado hor leh oo dagaal tan iyo markii meesha laga saaray xukunkii Gadhafi, iyada oo ay ku loolamayeen wadamo badan oo dano gaar ah ka leh.

Xabad joojintaasi ayaa waxa si weyn usoo dhaweeyay Lixda xubnood ee Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC) sida ay maanta baahisay wakaalada WAM, oo Imaaraadka Carabta u qaabilsan faafinta wararka.

Nayef Falah Mubarak al-Hajraf, Xoghayaha Guud ee GCC ayaa dhamaan dhinacyada isku haya dagaalkaasi usoo jeediyay ‘inay u hoggaansamaan tallaabadan wax ku ool ah’, isla markaana ay si deg deg ah u yeeshaan wada-hadallo siyaasadeed.

Al-Hajraf ayaa waxa kale oo uu ku baaqay in lagu shaqeeyo dhex-dhexaadinta Qaramada Midoobay, si xal waara oo dhameystiran looga gaaro soo afjarista dagaalka iyo iska horimaadka ka socda Libya.

Sidoo kale waxa dhawaaqa Dowlada Libya ee caalamku aqoonsan yahay soo dhaweeyey hogaamiyaha baarlamaanka bariga ee ay ishayaan dowladdaasi, isagoona codsaday in la joojiyo colaadda dabada dheeratay.

Dowladda Libya ee caalamku aqoonsan yahay ayaa iyadu qabta in xiligan magaalada istraatiijiga ah ee Sirte ay noqoto goob ka caaggan militariga, maadama ay tahay Aagga xarumaha waaweyn ee dhoofinta saliidda ee Libya, isla markaana hoos loogu dhigo xiisada dagaal ee dalkaasi.

Waxayna arrintaasi noqon kartaa tallaabo wax ku ool ah oo looga baaqsanayo dagaalada ragaadiyay dalkaasi, isla markaana hore loogu qaaday dhanka wada-hadalka iyo daminta xiisadaasi dagaal.

Qalaalasaha dagaal ee Libya ayaa soo bilowday 2011-kii, tan iyo markii tallada dalkaasi laga tuuray hogaamiye Gadhafi, taasi oo dhalisay in dalkaasi uu labo dhinac oo hubeysan u kala qeybso, iyago oo taageero ka helaya wadamo shisheeye.