WHO oo shaacisay ‘xiliga ay dunida maca-salaameyn doonto’ cudurka Covid-19

Geneva (Caasimada Online) – Madaxa hay’adda caafimaadka aduunka ee (WHO) ayaa markii u horeysay shaaciyay waqtiga ay rajeynayaan inuu dunida ka dabar go’o cudurka safmarka ah ee Coronavirus/Covid-19.

Tedros Adhanow Ghebreyesus ayaa sheegay in cudurkaasi uu dunida maca-salaameyn doono wax ka yar Labo sanno, xili uu si weyn ugu faafay aduunka oo dhan, isla markaana soo ritay malaayin qof.

Tedros ayaa ku doodaya in cudurka Covid-19 uu la xili noqon karo Hargabkii lagu magacaabi jiray ‘Spanish flu’ ee caalamka ka dilaacay 1918-kii, oo qaadatay in la soo afjaro muddo 2-sano ah.

Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in muddadaasi ay ka koobnaan doonto soo afjaridiisu, maadama xiligan marka la eego horumarka laga gaaray dhanka tiknoolajiyada ay caalamka u suurta-galin karto in feyriska lagaga takhaluso muddo kooban.

“Dabcan maadaama caalamku isku xiran yahay, waxa uu feyriska fursad u helayaa in uu sii faafo. Balse sidoo kale, waxaan haysanaa tiknoolajiyad lagu joojin karo iyo aqoon lagu hor istaagi karo” ayuu yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xili uu cudurka safmarka ah ee Covid-19 uu si weyn ugu faafay dunida, isagoona dilay ilaa 800-kun oo qof inta la ogyahay, halka uu soo ritay dad ka badan 22-Milyan oo qof.