Faallanqeyn: Fariintii aan la wada-fahmin ee Farmaajo uu ku diray kaftankii qabyo

Badanaa Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ma hadlo, caadiyan aad ayey bulshada Soomaaliyeed u naawilaan in uu hadlo ama uu wax ka yiraahdo dhacdooyinka aan dhammaan ee dalka ka dhaca.

Bulshada iskuma jirto, qaar ayaa aad u daneeya in uu hadlo halka kuwo kale ay ugu baxdo ama bogaadinaya afgaabnida Madaxweynaha.

Hase ahaatee, waxaan lagu murmin ama la’isla ogol yahay in maalinta/habeenka uu hadlo si xiiso leh la’isugu gudiyo hadaladdii uu jeediyey, farriin, ammaan, canaan iyo waxii ay noqotaba.

Waxaa ugu dambeeyey hadalkii uu ka jeediyey munaasabaddii lagu soo xirayey kalfadhigii afraad ee Baarlamaanka habeenkii Isniinta ee ay salaasadu soo galeysay.

Madaxweyne  Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxa uu qaab kaftan ah uga hadlay sidii uu ku yimi mooshinkii laga keenay iyo ciddii mas’uulka ka ahayd abaabulkiisa.

“Qabyo ayaa ka dambeysay!” ayaa ahayd dulucda kaftankiisa – hadaba, bil kaddib muxuu Madaxweynaa uga hadlay arrintaas, muxuu daboolka uga qaaday cidda soo abaabushay? Waa su’aalo ay suurtagal tahay in la’is weydiinayo.

Madaxweynaha waxaa cad in uu hal ujeedo ka lahaa diridda farriintaas!

FARRIINTA

Waa dhab, bulshada Soomaaliyeed marka laga reebo xildhibnaada iyo kuwa ka ag dhaw laamaha dowladda ama saxaafadda wey ku adkeyd in ay helaan xogta dhabta ah ee mooshinka iyo kuwa soo abaabulay.

Taas isaga oo ka duulaya, Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxa uu si ula kac ah ama ujeedeysan bulshada si maldahan ugu sheegay in mooshinkaas uu ka dambeeyey Madaxweynihii uu talada dalka kala wareegay, hadana ah Gudoomiyaha Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka – Xasan Sheekh Maxamuud.

Waa xaqiiqo, in dadka qaar fahmi kareen in mooshinka ay soo gudbiyeen xubanaha Baarlamaanka ugu jira Dhaamjadiid iyo kuwa kale ee ay ku midoobeen mucaaradidda dowladda, hadana wey adkeyd in ay liqaan in Xassan Sheekh lug ku lahaan karay ama uu ka dambeeyey mooshinkaas.

Sida uu Madaxweynaha ku cadeeyey farriintiisa kaftanka ahayd, maxaa uu adeegsaday “Qabyo Ninkeeda Dhammeystira!” oo ahaa ereyadii hal ku dhigga u ahaa Xassan Sheekh Maxamuud markii uu doonayey in dib loo doorto.

Walow, qabyo loo yaqaan kooxdii Xassan Sheekh oo dhan, hadana farriita Madaxweynaha macno ma sameyseen in uu bulshada u sheego wax ay dareemi karaan “Kooxda” oo dhan, balse shaqsi ay adag tahay in lagu tuhmo (Xassan) ka qeyb qaadashada muran siyaasadeedka dowladda oo inta looga adkaaday uu si sharaf leh xilkeeda u wareejiyey! Qariib ma aha in uu wax mucaaradi karo, balse waa la yaab leh dowladda oo labo sano u dhiman tahay in uu ridideedda ku lug yeesho!

W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow
Minneapolis, United States

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid