FAALLO: Maxaa ka dhalan kara xiriirka xumaaday ee Soomaaliya iyo Kenya?

Soomaaliya

Dhinaca Soomaaliya iyo xukuumadda talada haysa hadda, waxay u tahay tijaabo siyaasadeed, taas oo kaga timi mid ka mid ah waddamadii ay ahayeen saaxiibbada dhow.

Waxay noqon doontaa soo celinta xidhiidhkaas in uu qaato wakhti, maaddaama ay xukuumaddani in badan dhisaysay wakhti badanna gelisay dhisitaanka saaxiibtinimada dawladaha deriska.

Kenya ayaa noqon doonta ugu yaraan meel ay gabbaad ka dhigtaan cid kasta oo ka soo horjeedda xukuumaddan, tan oo ay in badan Kenya waddankeeda ka baacsanaysay siyaasiyiinta ka soo horjeeda xukuumadda maadama uu xidhiidhka Soomaaliya iyo Kenya ahaa mid ku dhisan is fahan siyaasaddeed.

Kenya

Haddii aan eegno saamaynta uu yeelaanayo xidhiidhka xumaaday ee Kenya iyo Soomaaliya, waxaad mooddaa in Kenya ay wajihid oonto cidhiidhi ganacsi iyo mid siyaasaddeedba.

Siyaasadda aan ka hadlaayo ayaa ah in Kenya ay weyn doonto metaladdii ay Soomaaliya kaga gudbanayd, taas oo inta badan ahayd meesha ay beesha caalaamku ka hagijireen siyaasadda iyo deeqaha Soomaaliay.

Dhinaca kale, Kenya waxay Soomaaliya ku qabtay ganacsi badan, kaas oo maalin kasta kordhinaayay dakhliga Kenya, hoosna u dhigaayay kan Soomaaliya.

Ugu dambayntii waxaad moodda in ay tahay faa’iido ay in badan Soomaaliya sugaysay oo Afka ka soo gashay.

W/Q: Cumar Rodol
Cumarrodol@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid