Faarax C/Qaadir oo faallo cajiib ah ka qoray dagaalka Somaliland iyo Puntland

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdulqaadir, oo ka mid ah xildhibaanada ugu caansan baarlamanka Soomaaliya, ayaa qoraaal ku saabsan dagaalka Tukaraq ee u dhaxeeya Somaliland iyo Puntland, soo dhigay bartiisa twitter-ka. Haddaba hoos ka aqriso qoraalka xildhibaanka.

Tukeraq 2018 miyeynu ka itaal liidanaa Gaalkacyo 2016?

Dagaaladii sokeeye ee ka dhashay burburka dowladnimo, waxay maalinba heer soo joogaan waa laga garaadsaday. Dalkuna waxuu dib u unkay dowladnimadiisii, shacabkuna waxay samaysteen maamullo howsha ugu weyn ee ay qabtaan ay tahay in laga heshiiyo waxyaabaha colaadda hurin kara.Somaliland iyo Puntland waxay ku tilmaannaayeen goobahii ugu horreeyay ee ay ka dhismeen nidaam kalsooni weyn ka heysta shacabka deegaannadaas, kuna guulaystay soo celinta nabadda, dhismaha hay’adaha dowladnimada, bixinta adeegga bulshada iyo qabashada doorashooyinka. Doorashadii sanadkii hore ka dhacday Somaliland waxay yididiilo gelisay dadka Soomaaliyeed oo dhan.

Waa nasiib darro weyn in loo guntado dagaal, loo noqdo Jaahiliyaddii, lana burburiyo yididiilladii dadkeenna. Tuke Raq, waxay mudnayd inaan ilaashanno maadaama aan ognahay inay u dhowdahay goobaha dunida isku keen haysataa damaca badan ka leedahay. 

Murugadeeyda waxay sii koradhay markaan dib u eegay xaalkeenna maanta, xusuustayna in dagaalkii nasiib darrada ahaa ee ka dhacay Gaalkacyo 2016 loo wada gurmaday si loo damiyo, guulna laga keenay. 2016kii waxaa Gaalkacyo isagu tagay Ra’iisalwasaarahii, xubno wasiiradiisa ah, madaxdii maamul goboleedyada iyo beeshii caalamka.

Waxaan ugu baaqayaa madaxda Somaliland iyo Puntland inay joojiyaan colaadda, saraakiisha iyo afhayeenadana waa inay cashar ka bartaan dagaaladii sokeeye oo maanta aysan jirin cid ku faaneyso guulna ka sheeganeeyso waxii kala gaaray ummadeena Soomaaliyeed. waxii nabad lagu waayana dagaal laguma helayo.

Ugu dambayntii madaxda dowladda Federaalka waa inay garwaaqsataa waajibka ka saaran inay si macno leh ugu howl gasho daminta dagaalkan foosha xun. Taloow maanta Tuke Raq 2018, ma ka liidanaa sidaan ahayn Gaalkacyo 2016.