Xaaf oo war cusub kasoo saaray Khilaaf la sheegay inuu kala dhexeeyo Carabeey iyo Casir

Cadaado (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, ayaa goordhow si kulul uga hadlay warar ay baahiyeen warbaahinta magaalada Muqdisho oo laga soo xigtay Madaxweyne ku xigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

Hogaamiye Xaaf oo saxaafada kula hadlay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay haddalkii kasoo yeeray Carabeey iyo Casir.

Xaaf waxaa uu tilmaamay in khilaafka jira lagu xalin doono Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug, waxa uuna si adag u beeniyay wararka sheegaya in Khilaafka uu yahay mid xoogan.

Xaaf, waxa uu tilmaamay inay mas’uuliyad daro ay tahay in Madaxweyne ku-xigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ay magaalada Cadaado ka dhex wadaan shirar lagu arbushaayo qorshooyinka maamulka.

Hogaamiye Xaaf, ayaa sheegay inay muhiim aheyd in haddii ay jirto tabasho lagu xaliyo miiska wadahadalka, hase ahaatee ay labada mas’uul adeegsadeen waddooyin aan munaasib aheyn, sida uu hadalka u dhigay.

Labadan Mas’uul ayaa shaaciyay inuu jiro khilaaf u dhaxeysa Madaxda Galmudug oo salka ku heysa isku darkii Baarlamaanka, awoodda oo hal dhinac noqotay iyo is bedel lagu sameeyay Dastuurka, kaddib markii Xaaf uu muddo kororsaday.

Waxa ay labada Mas’uul cadeeyeen in Xaaf uu ka dhex faa’iideysanaayo Khilaafka, isla markaana ugu tallo galay inuu sameysto wakhti kororsi aan sharci aheyn.

Si kastaba ha ahaatee, xaaladda Galmudug ayaa iminka mareysa heerkii ugu sareeyay, waxaana fashilmay dadaalkii loogu jiray in khilaafka madaxda Galmudug xal loo helo oo ka socday magaalada Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Cadaado

Caasimada@live.com