Wasiirka arrimaha gudaha oo war cusub kasoo saaray khilafka madaxda G/Mudug

Cadaado (Caasimada Online) – Iyadoo khilaaf xoogan uu ka dhextaagan yahay maamulka Galmudug, ayaa waxaa goordhow arrintaasi ka hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay Khilaafka soo gala dhexgalay Madaxda Sare ee maamulka Galmudug.

Wasiir Sabriye, oo maanta Warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Somalia ay kaalin wanaagsan ka qaadan doonto Khilaafka madaxda maamulka.

Sabriye waxaa uu sheegay in dowladda Somalia ay si weyn uga xun tahay Khilaafka soo gala dhex galay Madaxda Galmudug,islamarkaana Galmudug ay u baahan tahay in Madaxdooda ay is xaliyaan.

‘’Waxaan ku baaqeynaa in si shuruud la’aan ah lagu xaliyo Khilaafka ka dhextaagan Galmudug, waa ayaan darro in la garan waayo wanaaga xalka ku jira’’

Wasiir Sabriye, ayaa sheegay in xilli ay waddeen dhexdhaxaadin in Magaalada Muqdisho ay ka dhoofeen Madaxda Galmudug, sidaa aawgeedna la doonaayo in lasoo nooleeyo wadahadalka.

Sidoo kale, Sabriye ayaa ku nuux-nuuxsaday in dowlada Somalia ay arrin mushkiladeeda leh u qaadan doonto Khilaafka kala geeyay maamulka Galmudug, waxa uuna ku baaqay in xal degdeg ah laga gaaro Khilaafka.

Docda kale, Madaxda Galmudug oo laba u kala jabay ayaa kala gaaray Magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb ee Galmudug, taa oo sii xoojisay Khilaafka oo iminka gaaray heerkii ugu adkaa.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com