27.9 C
Mogadishu
Friday, January 16, 2026

Faarax C/qaadir, Guuleed iyo Fahad oo fashiliyey heshiis dhex maray Xasan & Cabdi Weli (Aqri qodobada heshiiska)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Faarax Cabdul-Qaadir, Cabdikarin Guuleed iyo Fahad Yaasiin, oo dhammaantood ka tirsan kooxda Damul-Jadiid ayaaa dhinac maray heshiis hordhac ah oo dhex maray madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisul wasaaraha, kadib markii ay abaabuleen mooshin ka dhan ah Cabdi Weli.

Kulan xasaasi ah oo xalay saqdii dhexe ku dhex maray madaxda ugu sareysa dalka xarunta Madaxtooyada ayaa looga hadlay khilaafka ka dhex taagan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaare Cabdi Weli, iyadoo uu kulankani ka dhacay guriga Madaxweynaha.

Kulanka dhex maray Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamanka iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa kasoo baxay saddex qodob oo ay saddexda mas’uul iskula garteen in khilaafka xal loogu heli karo, kuwaasi oo kala ah.

1. In dib-u-eegis lagu sameeyo go’aammadii kasoo baxay Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

2. In Wada hadal lagu dhameeyo wixii khilaaf ah ee ka dhashay warsaxaafadeedkii kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha isla markaana labada dhinac isugu yimaadeen go-gol kale.

3. In la joojiyo Mooshinka Xukuumadda oo keenay dhaawac ku yimid sumacadii Baarlamanka iyo shaqii golaha Xukuumadda, taas oo halis gelin karta dadaalka loogu jiro dib-u-yegleelid aas-aaska qaranimada Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale saddexda mas’uul ay ku ballameen inay kullan kale dib isugu soo laabtaan marka madaxweynaha oo maanta u amba-baxay dalka Ethiopia uu dalka dib ugu soo laabto.

Si kastaba Faarax Cabdul-Qaadir, Cabdikarin Guuleed iyo Fahad Yaasiin, ayaa maanta ka faa’iideystay maqnaanshaha madaxweynaha, ayaga oo xildhibaaanadii ay lacagta siiyeen u sheegay inay gudbiyaan mooshinka, kaasi oo si rasmi ah loogu gudbiyey guddoomiye Jawaari.

Waa astaan kale oo muujineysa sida kooxda Damu-Jadiid ay qas iyo fowdo dalka uga waddo, ayaga oo carqaladeeyey heshiis qarka u saarnaa in la gaaro.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News