Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay kusoo waramayaan qaar kamid ah Howlwadeenada ka howlgala Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu wakhtigiisu dhamaaday Xassan Sheekh Maxamuud uu amar ku bixiyay in Mushaarka laga hakiyo Howlwadeenada.
Mid kamid ah Howlwadeenada ayaa sheegay in amarkaasi uu soo baxay kadib markii uu culeys dhanka dhaqaalaha ah lasoo gudboonaaday Madaxweynaha ololaha ballaaran ugu jira dib usoo laabashadiisa.
Waxa uu sheegay in Mushaar la’aanta ay ku jiraan dhammaan wixii ka howlgala Madaxtooyada, waxa uuna intaa raaciyay in Madaxweyne Xassan uu lasoo baxay isbedel saameeyay Jeebka shaqaalaha Madaxtooyada.
Howlwadeenkaani oo caqabad amni jira aawgeed ka gaabsaday Magaciisa ayaa yiri ”Waxa ay su’aashu tahay haddii Howlwadeenada Madaxtooyada laga jaray Mushaarka yaa qaadan doona mushaarkeena, dabcan wey muuqataa in lagacan bidixeynaayo xuquuqdeena”
”Musuqa wuu jiraa hadii aad maqli jirteen mushaarka ciidamada ayaa la musuq-maasuqaa maanta waxaan idiin sheegayaa in musuqa uu saameeyay xitaa Howlwadeenadii ka howlgalaayay Aqalka ugu sareeya ee dalka looga arrimiyo”
Waxa uu Howlwadeenkaani intaa raaciyay in gabi ahaan dhaqaalaha loo weeciyay Akoonada Madaxweyne Xasan Sheekh.
Haddalka Howlwadeenkaani ayaa imaanaya iyadoo dhaqaalaha dalka uu Madaxweyne Xassan u adeegsanaayo ololihiisa gaarka ah.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

