25.3 C
Mogadishu
Sunday, January 18, 2026

Xog: Magacyada 4 xildhibaan oo doorashadooda dib loogu noqonayo + Beelahooda

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in afar kursi oo xildhibaanadooda lagu doortay magaalada Cadaado dib loogu noqon doono doorashadooda.

Dacwooyin ka yimid odayaasha dhaqanka beelaha leh afartaas kursi iyo musharixiintii laga guuleystay ayaa keenay in beesha caalamka culeys ku saarto dib u eegis lagu sameeyo kuraastaasi oo ay ku soo baxeen xildibaanada kala ah:

1 – C/qaadir Gaafow Maxamuud (Murusade/Murusade-Habar-Cayno)
2 – Mahad Maxamed Salaad (Habadr Gidir-Ceyr)
3 – Saadaq C/kariin Xaaji Ibraahim (Abgaal-Cali Gaaf)
4 – Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow (Murusade-Habar-Cayno)

Warar ku dhow Guddiga Doorashooyinka iyo Guddiga xalinta khilaafaadka Doorashada ayaa lagu wadaa inay dhowaan ku dhawaaqaan go’aan waxba kama jiraan looga dhigayo doorashada kuraas dhowr ah oo ay ugu horeeyaan afartan kursi.

Cadaadis weyn ayaa ka yimid Beesha caalamka oo Mareykanku ugu horeeyo, waxaana xaaladda ay kasii dartay markii Odayaasha beelaha kuraasta la isku heysto ay dacwad u qoreen Guddiga Doorashooyinka iyo Beesha Caalamka iyadoo sheegay in ergadii ay soo xuleen la inqilaabay oo la sameystay ergo been abuur ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News