31.9 C
Mogadishu
Wednesday, April 22, 2026

Xasan Sheekh oo iska indha tiray qeyla dhaanta beesha caalamka sheegayna in doorashada…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jmahuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay doorashooyinka Golaha Shacabka oo si habsami leh uga socda caasimadaha dowlad gobolleedyada dalka, dhowaanna ka bilaaban doona magaalada Muqdisho

“Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GFHDD), Guddiga Dowlad Goboleedka Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GDGHDD iyo Guddiga Xalinta Khilaafaadka, waxaan ku ammaanayaa sida hufnaanta leh oo ay u maamulayaan doorashooyinka Golaha Shacabka ee dalka ka socda. Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed waxay kalsooni buuxda ku qabaan guddiyadda madaxa-bannaan, waxaana ku dhiirra-gelineynaa inay sii labalaabaan dedaalkooda ku aadan howlaha loo igmaday oo ay si habsami leh doorashooyinka ugu soo gabagbeeyaan waqtigii loogu talagalay.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ugu baaqay Madaxda Dhaqanka Beelaha iyo Guddiyadda doorahsooyinka dadban inay xaqiijiyaan doorka kootada haweenka ee lagu heshiiyey oo ah Sodon Boqolkiiba (30%).

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku baaqay in si deg deg ah loo bilaabo doorashooyinka Aqalka Sare iyo kan Golaha Shacabka ee Gobollada Woqooyi ee loo qorsheeyey inay Muqdisho ka dhacaan iyada oo la ilaalinayo habraaca doorashooyinka ee horey loogu heshiiyey lagana fogaanayo wax walba oo wax u dhimayo habsami u socodka doorashooyinka.

Madaxweynaha ayaa yiri “Doorashooyinka ka dhacaya dalka waa guulo weyn oo ay Soomaaliya gaartay oo tusaale u noqon doonta adduunka iyo taariikh cusub marka loo eego wadamada dagaalka ka soo kabsaday sida Soomaaliya oo kale.”

Ugu dambeyntii Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyey, Beesha Caalamka, dowlad Gobolleedyada dalka ka jira iyo shacabka Soomaaliyeed doorkooda ku aadan qabsoomida doorashooyinka Dadban ee 2016.

–DHAMMAAD–

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News