Fadeexad kusoo baxday guddigii uu R/W Rooble u xil saaray kala saarista xubnaha guddiyada doorashada

Muqdishi (Caasimada Online) – Guddigii uu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble u saaray kala shaandheynta xubnihii ay Midowga Musharixiinta kasoo gudbiyeen cabasho ku aadan inay ka tirsan yihiin shaqaalah Dowladda iyo Hey’adda nabad sugidda qaranka ee NISA, ayaa waxaa kusoo  baxday fadeexad culus kadib markii la ogaaday inay sii daayeen xubno ka tirsan shaqaalaha rayidka ah.

Xubnaha la fasaxay oo ay guddigaas sheegeyn inaysan ka tirsaneyn shaqaalaha rayid ah ayaa qeyb ka ahaa 67 xubnood oo cabashada laga soo gudbiyey, waxayna xubnaha la fasaxay gaarayaan  illaa 11 xubnood oo kamid ah NISA iyo Shaqaalaha rayidka ah.

Caasimadda Online ayey u suurta gashay inay hesho magaca mid kamid ah xubnaha ay guddigaas fasaxeyn isla markaasna ka tirsanaa Shaqaalaha rayidka ah kaasoo lagu magacabo Yoonis Xasan Xuseen (Yoonis Alifow) kaasoo guddiga kasoo galay Maamulka Hirshabelle.

Sababta aan Yoonis liiska looga saarin ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay cadaadis uu guddiga uu hoggaaminayay Cabdullaahi Carab oo ah Saaxibka Ra’isul wasaaraha kala kumay xubno ka tirsan dowladda.

Yoonis ayaa wuxuu kamid ahaa shaqaalaha rayidka ah, wuxuuna kasoo shaqeeyey  xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, balse markii dambe wuxuu u wareegay hey’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha oo uu Guddoomiye Kuxigeen ka noqday.

Guddiga shaqaalaha rayidka ah ayaa horey Yoonis Xasan ugu soo eedeeyey inuu laba mushaar ka kala qaadanayey madaxtooyada iyo Hey’adda Qaxootiga, waxaana lagu xukumay inuu bixiyo magdhow lacageed oo ah mid kamid ah mushaarkii uu qaadanayey oo gaarayey illaa 6,352 dollar sida ku cad waraaqaha hoose.

Guddiga Xaqiijinta Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka ee uu Ra’iisul Wasaaruhu magacaabay ayaa dhawaan ku dhawaaqay in 34 qof oo ka mid ah xubnihii la soo magacaabay ay baaritaan dheer kadib ay saameen ku yeesheen eedeentii la soo jeediyay ayna u kala direen maamul goboleedyadii soo magacaabay iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaarkood laga soo magacaabay.