Fadeexad: Mareykanka, Imaaraadka iyo Sacuudiga oo lagu helay kiis argagixiso la jir ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga ayaa lagu helay kiis la xiriira in dhaqaale iyo Hub ay ku bixin jireen sii jiritaanka Kooxda Daacish oo dunida looga aqoonsaday argagixisada ugu awooda badneyd.

Qoraal kasoo baxay Hay’adda baarta hubka culus ee loo yaqaan Conflict Armament Research, oo ay xiganayeen Wargeysyada ayaa waxaa lagu sheegay in Imaaraadka iyo Sacuudiga ay Kooxda Daacish u isticmaashay burburinta Syria iyo Ciraaq.

Hay’adda CAR, waxa ay sheegtay in labadaasi dowladood ay Daacish ku bixin jireen dhaqaale iyo Hubka noocyada culus oo loo isticmaalay dagaalada Siiriya iyo Ciraaq.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in meesha ugu badan ee laga keenay Hubka uu yahay Sacuudiga iyo Imaaraadka, waxaana xusid mudan in Hubkaas 40.000 oo rasaas ah laga soo saaray dhulka Ciraaq iyo Siiriya.

Hubka iyo rasaasta laga soo saaray dhulka ayaa waxaa ku dhagnaa calaamadaha ay isticmaalan ciidamada Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Kooxda Daacish ayaa la sheegay in inta badan hubka ay ku dagaalamayeen ay ka qabsadeen ciidamada dowladaha Siiriya iyo Ciraaq, halka qeybaha kale ay isugu jireen Yurub, Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Hubka Yurubta oo ay isticmaalayeen Daacishta ayaa la sheegay inay soo gateen oo keenay goobaha dagaalka dalalka Mareykanka, Imaaraadka iyo Sacuudiga.

Warbixintan ayaa ah midii ugu horeysay oo si dhab ah u cadeenaysa shakigii horey looga qabay in dalalka Maraykanka, Imaaraadka iyo Sacuudiga ay si dadban hubka u siiyaan kooxda Daacish.

Dhinaca kale, arrintan ayaa ka hor imaaneysa sharuucda caalamiga ah ee mamnuucayey in dowladaha hub u diraan goobaha ay ka socdaan dagaalada sokeeye.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com