Maxay tahay sababta ay Ciidamada dowladda Saaka u xireen Jidadka Muqdisho?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wadada Soobe iyo Wadooyin kale oo ka agdhaw ayaa la sheegayaa in ay saaka u xiran tahay Ciidamada Dowladda Soomaaliya, dibne looga celiyo Gaadiidkii isticmaali jiray Wadooyinkaasi.

Dadka ayaa ku lugeynaya Wadooyinkaasi u xiran Ciidamada, waxaana kaliya ay diidayaan in ay isticmaalaan Gaadiidka sida ay Mustaqbal u sheegeen qaar kamid ah dadkii kusoo lugeeyey wadooyinkaasi.

Ciidamada Dowladda ayaa inta badan Wadooyinka Muqdisho xira xiliyada ay Howlgalada ka wadaan iyo Marka ay Madaxda Dowladda isticmaalayaan.

Dhanka kale waxaa Xiran wadooyinka ka agdhaw Garoonka Diyaaradaha illaa isgoyska Taleex, warar soo baxaya ayaa sheegayaa in Ciidamada Amaanka Dowladda ay wadooyinka u xireen howlgalo ay ka wadaa qeybo kamid Magaalada Muqdisho.

Hay’adaha amaanka Dowladda kama hadlin waxyaabaha uu salka ku hayo xirnaashiyaha qaar kamid ah wadooyinka Magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com