Xog: Cabdi Weli Gaas oo durba musharax ah iyo dowlad ku taageeraysa

Garoowe (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Puntland C/weli Gaas ayaa lagu wadaa in mar kale uu kamid noqdo Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Hogaamiyenimo ee Punrland.

C/weli Gaas, ayaa xili hore u sii tafa-xeetay waddo waliba oo uu ku heli karo xilka, waxaana xusid mudan inuu garab ka helaayo Dowlada Imaaraadka Carabta oo dhaqaale uruursi kawada deegaanada Puntland, gaar ahaan Dekadda.

Gaas, ayaa ballanqaadka xil kusoo celinta ka heysta dowlada Imaaraadka oo uu u fududeeyay dhammaan baahiyihii kaga xayirnaa Somalia, sida qaska Siyaasada Somalia iyo Heshiiska Dekadda.

Gaas, oo xili hore usii tabaabusheystay doorashada ayaa xiligaan ku taamaya in xubno aad u badan uu ku yeesho baarlamaanka imaan doona.

C/weli Gaas oo kaashanaaya Keydkiisa iyo Odayaasha Beelaha ayaa durbo sii bilaabay xudashada Odayaasha si ay ula imaadan Xildhibaano codka siinkara.

C/wali waxa uu mudada ka harsan doorashada xooga saari doonaa dhanka beelaha isagoo qorshaha uu ka leeyahay ay kamid tahay in lasoo doorto si uu ugu sii nagaado Siyaasada Somalia.

Qorshihiisa kusoo laabashada xilka ayaa waxa uu u qanciyay xitaa beelo aan horay Kuraas ugu lahaan jirin baarlamaanka iyo golayaasha kale ee maamulka, beelahaa oo uu ku tashanaayo codadkooda.

Sidoo kale, doorashada maamulka ayaa lagu wadaa in muddo 12 bilood ah kadib dhacdo taas oo ay ka horeyn doonto soo xulida Xildhibaanada cusub oo bilaaban doonta 10 bilood kadib, marka la kala diro Xildhibaanada golaha wakiilada.

Doorashada 2019 ayaa leh xiiso ka duwan kuwii hore marka la eego arrimo badan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com