Xog: Xildhibaanno durba mooshin ka gudbinaya xeer Ilaaliyaha qaranka

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Guddoonka BFS iyo Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka ayaa kulan degdeg ah ka yeeshay haddal kasoo baxay Xeer ilaaliyaha Qaranka Axmed Daahir.

Guddoonka iyo Xildhibaanada kulanka qaatay ayaa ku kala aragti duwanaa kulanka ay ka yeesheen arrinta Xeer Ilaaliyaha waxaana haddalkaas taageeray tiro Xildhibaano ah, halka qaarna ay kasoo hor jeesteen.

Xildhibaanada ugu badan ayaa soo jeediyay in laga sal gaaro hadalka Xeer Ilaaliyaha isla markaana Shacabka Soomaaliyeed aan la tusin mucaaradnimada dowlada, halka qaarna ay cod dheer ku sheegen in Xeer Ilaaliyaha uu u gafay Xildhibaanada.

Sidoo kale, Xildhibaano ka tirsan BFS ayaa isla kulanka ku ballanqaaday inay diyaarinayaan Mooshin ka dhan ah Xeer Ilaaliyaha Qaranka.

Waxa ay sheegen in Mooshinkaasi ay ku dalban doonaan isla xisaabtan iyo in Xeer ilaaliyaha uu gabay howshii loo igmaday.

Xildhibaanada kulanka ka qeyb galay ayaa la sheegayaa inay qorsheynayaan mooshin ay ku dalbanayaan in dib loo furo kalfadhiga Baarlamaanka, iyadoo  xeer hoosaadka uu qabo 20% ama 55 Xildhibaan ay codsan karaan ama soo jeedin karaan in kalfadhiga dib loo furo.

Si kastaba ha ahaatee hadalkii ka soo yeeray Xeer Ilaaliyaha ee ahaa in Xildhibaanada kala ah Xasan Macalin iyo Saabir ay galeen fal dambiyeed qaran dumis ah ayaa durba dhaliyay xaalad siyaasadeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com