Xog dheeri ah: Howlgalkii NISA xalay ku weerareen kuna kaxeysteen C/raxmaan C/shakuur

Muqdisho (Caasimadda Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa rasaas xalay saqda dhexe ka dhacday magaalada Muqdisho, oo dhex martay ciidamada NISA iyo ilaalada siyaasiyiin uu ka mid yahay Cabdiraxmaa Cabdishakuur.

Ilaalada hoyga C/raxmaan C/shakuur, ayaa iska caabin xoogan kala hortagey ciidankii soo weeraray, iyadoo labada dhinac uu halkaasi ku dhex maray dagaal hubka noocyadiisa kala duwan la’isku adeegsaday.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo, ayaa sheegay in xilligii la weeraraayay hoygaasi uu ku sugnaa Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur. Waxaa soo baxaya warar sheegaya in C/raxmaan C/shakuur ay gacanta jug ka gaartay, ayna kaxeysteen ciidamada NISA isaga iyo siyaasi la joogo oo lagu magacaabo Sayid Cali Macalin.

Inkasta oo warar hore ay sheegayeen inuu weerarka ku dhaawacmay Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa haddaa waxaa goor dambe soo baxday in dhaawucu yahay jug ka gaartay gacanta, oo aysan ahayn xabad ku dhacday.

Nin ay ehel yihiin C/raxmaan C/shakuur oo codsaday inaanan magaciisa la soo xigan, lana hadlay Caasimadda, ayaa yiri “Waxaan maqalnay in weerarka lagu wataty Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Waxa meesha ka dhacay waa wax aad iyo aad u fool xun”

Nin kale oo ka mid ah dadka deegaanka oo ka waramay sida ay xaaladda isu bedeshay markii uu weerarku bilowday, ayaa yiri “Saqdii dhexe ee xalay anagoo jiifno ayaan markeliya hurdada kaga soo toosnay rasaas xoogan oo dhawr jiho ka dhaceysay, waxaana ogaanay in Ciidanka NISA ay weerar ku qaadeen guriga C/raxmaan C/shakuur.”

Isagoo la hadlayay Caasimadda, ayuu yiri “Dabcan wuxuu weerarkan ahaa mid qorsheysan marka aad fiiriso sida abaabulan ee ay Ciidanka NISA u soo qaadeen weerarkan, gaadiidkii iyo hubkii cuslaa ee ay wateenba.”

Ciidan kale oo kuwa dowladda ka tirsan oo gaaray halka uu weerarku ka dhacay, ayaa la wareegay hoyga C/raxmaan C/shakuur.

Sarkaal ka tirsan dowladda ayaa Caasimada Online u sheegay inay haysteen warqad kasoo baxday xeer-ilaalinta qaranka oo lagu amray in lasoo xiro Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Wuxuu sidoo kale sheegay inay jirto warqad ah inuusan dhoofi karin oo la dhigay garoonka diyaaradaha.

C/raxmaan C/shakuur, ayaa sababta loo weeraray waxaa loo maleynayaa, dhaliilo kul kulul oo muddooyinkanba uu Madaxda Dowladda u marinaayay Warbaahinta