Farmaajo iyo hoggaamiyihii afgembigii Militeri ee dalka Chile oo dhawr qodob isaga ekaaday

11 September 1973-kii , Augusto Pinochet oo ahaa hoggaamiyihii afgembigii militeri ee dalka Chile ayaa la wareegay guud ahaan awooddii dalkaas; madaxwayne Salvador Allende iyo xertiisa ayaa laga maroorsaday xukunka, dowladda Mareykan ka ayaa lahayd sababta af gembiga, maadaama tuhun badan ay ka qabtay ku fididda shuuciyadda qaaradda Koonfur Amerika, oo amarka waxaa bixiyay sida ay qabaan xeel dheerayaasha madaxwaynihii Mareykan ka xilligaas Richard Nixon.

Ma ahayn wax ku cusub dunida in xukun la iska maroorsado, ha yeeshee waxaa dhacday In markii kacdoonku dilaacay ay kooxda Jeneraal Pinochet bilaabeen dhaqan beydadka xun ee taariikhda lagu diiwaan geliyay.

Saddex sanno ka hor xilliga inqilaabka, Chile ayaa yeelatay dowlad cusub oo hubaneyd aragtida Karl Marx, ama waxa luuqadda siyaasadda lagu yiraahdo (Marxism), taas oo ahayd dowladdii ugu horreysay ee Marxist ah oo si xor loo soo doortay islamarkaana laga yagleeyo gudaha qaaradda Latin Amerika.

Saptember 13-keedii,golaha kacaanka cusub ayaa dhammaan laalay dastuurkii u yaallay dalkaas ee ku daleysnaa 1925, waxaa la mamnuucay dhammaan dhaq dhaqaaq siyaasadeed, iriddada ayaa la isku dhuftay xisbiyadii siyaasadeed ee dalka ka jiray, waxaa la cabburiyay siyaasiyiinta carabka dheeraa ee sida xurriyadda ah u hadli jiray, waxaana intaas dheerayd in ay ku takrifalayeen awoodda ay heystaan, taas oo dhaxal siisay in ay tacaddiyo badan ay geystaan.

Maadaama aragtida shuuciyadda u eg ee Marxism ka iyo diimaha colaad ka dhaxeyso, kacdoonka cusub ee Pinochet ayaa adeegsaday wadaaddadii Kaatooliga ahaa ee cagta hoosteeda faruuryaha ka qaniinsanayay xilligii shuuciyadda, taas waxa ay gayaansiisay in wadaadka hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Raúl Silva Henríquez uu yiraahdo oraahdan “saddex sano ka dib waxa aynu cagta saarnay waddadii badbaadada dalka iyo in aan ka libin helno keligiitaliskii shuuciyadda”

Waxa ay bilaabeen borobagaando iyo in laga been abuurta aragtida Karl Marx, laguna sheego in ay tahay mid dowga mugdiga dad ka rideysa, dhaqaalle ahaa, siyaasad ahaan iyo bulsho ahaanba, si dadka ay u helaan jawaab ku filan marka ay iswayddiiyaan sababta loo inqilaabay dowladdii Allende ee qunyar usocdka ahayd.

Madaxwaynihii ka horreeyay Allende ee Eduardo Frei oo aragti ahaan Kiristaan ahaa, ayaa durbadiiba raacay afgembiga, maadaama illaa xad uusan ku qanacsaneyn aragtida xisbiga Allende ee ku dhisneyd Shuuciyad.

Markii ay isku balaarriyeen awoodda dalka, kacdoonka ayaa bilaabay beegsashada dhammaan cid kasta oo ku lug lahayd xisbigii bidixda fog ee uu hoggaaminayay madaxwayne Allende, inkabadan 3,811 qofood ayaa xabsiga la dhigay, 1,850 oo kamid ah dadka xabsiga la dhigay ayaa gudaha jeelka lagu dilay.

Maalinkii inqilaadka illaa November isla sannadkaas, inkabadan 40,000-oo maxaabbiis siyaasadeed ayaa la diiwaan geliyay, 98%kiina waxa ay ahaayeen xisbigii talada laga maquursaday ee dalka Chile; Murtimaalka reer Chile ee Victor Jara oo ka hadlaya wixii uu arkay ee dhacay October 1973-kii, ayaa qoray Murti uu ugu magac daray (Caravana de la Muerte) oo uu kaga hadlayo tacaddigii ka dhacay Chile lixdankii maalin ee ugu horreeysay kacdoonka; wuxuuna qiray in 70-qofood oo kamid dadka ugu macquulsan (Elite) ka dalka Chile agtiisa lagu gowracay.

Bahalnimada iyo keligii talisnimada Penochet ayaa gaartay in uu xitaa dilo hooyooyinka uurka leh, waxaana laga hayaa hadal ahaa “Haddii aad disho Heykalleyda (Dhillada), waxaa aad dishay dhasheeda” (If you kill the bitch, you kill off the offspring); ma jirin cid dowladda wax ka sheegi kartay, oo siyaasigii ama qofkii wax ka sheega dowladda dharaarta cad ayaa lagala baxayay gurigiisa, oo waxaa lagu shabbadeynayay astaan ahayd “Hormar-diid”waxaana fududeyd in siyaasiga si fudud loo dilo iyada oo aysan jirin cid cid wax u qabsaneyso.

Ugu dambeyn cid walba ayaa og halkii ay ku dambeysay dowladdii kacaanka ee Chile, ha yeeshee muhiimaddu waa in keligiitalisnimadu tahay aragtidii firfoon ee “ما اريكم الي ما اري وما اهديكم الي سبيل الرشاد” taas oo la og yahay cawaaqib xummada ka dhalan karta.

Haddaba sababta aan qoraalkan usoo qaatay ma ahan in aan dowladda ku mucaarado ama koox gaar ah ugu ololleeyo, keliya waa in la bidhaamiyaa in taariikhaha adduunka ay isku dheelli tiran yihiin islamarkaana ay hal dhigane yihiin, mudanna in si dhiifoon loogala dhex baxo dhacdooyinka isku dhinac eg ee laga dheehan karo.

“Is dhaliilliddu waa dhaqan lagu yaqaanno ummadaha diyaarka u ah sixidda qaladaadkooda” Stephan Covey.

“فقصص القصص لعلهم يتفكرون” Acraf 176.

Tixraac:-

https://en.wikipedia.org/…/Military_dictatorship_of_Chile_(…

https://en.wikipedia.org/wiki/Presidency_of_Salvador_Allende

https://en.wikipedia.org/wiki/Augusto_Pinochet

https://en.wikipedia.org/w…/Government_Junta_of_Chile_(1973)

https://study.com/…/what-is-a-dictatorship-definition-facts…

https://en.wikipedia.org/wiki/Dictatorship

https://www.goodreads.com/quotes/tag/freedom

Cabdiwahaab Axmed Cali

Email: C.wahaabyare@Gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid