Fahad vs Rooble: Maxaan ka fahannay warqaddii lagu xaqiray R/Wasaare Rooble?

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha NISA Fahad Yaasiin ayaa ra’iisul wasaare Rooble u diray warqad jawaab ah kadib markii uu ka dalbaday warbixin buuxda oo ku saabsan kiiska Ikraan Tahliil Faarax inuu kusoo gudbiyo 48 saac gudahood.

Hase yeeshee, warqadda Fahad Yaasiin ayaa bixisay macno ka weyn jawaabta laga sugayey, waxayna si cad u muujisay in Fahad uu waxba kama jiraan kasoo qaaday Rooble iyo amarkiisa, una sheegay in talada amniga dalka aanu isagu laheyn.

Warqaddan waxaa ka muuqda dhowr diidmo, xaqiraado, amar-diido iyo awoodo la wareejiyey.

Diidmada 48-ka saac

Markii uu Fahad dalbaday in guddiga amniga qaranka la shirayo, wuxuu si cad ugu sheegay Rooble inaanu warbixin ku siin karin 48 saac gudahood, oo xilliga ay warqadda soo baxday ay ka harsaneyd qiyaastii 24 saac.

Dalbashada kulanka guddiga amniga qaranka, waxay ka dhigan tahay in Fahad uu waqtiga dheereystay,  ayada oo ay adag tahay in kulanka guddigan, oo aa shirin muddo sanad ah lagu qaban-qaabiyo 24 saac gudahood.

Diidmada Rooble

Fahad ayaa qoraalkiisa ku yiri “Waxaan si sharaf leh kaaga codsanaynaa in aan warbixintaan ka horjeedino Golaha Amniga Qaranka oo wada dhan, oo ay xubno ka yihiin hay’addaha iyo xafiisyada ay arrintan khuseyso.”

Jumladdaas waxa uu macnaheedu yahay in Fahad uu diiday inuu warbixin siiyo Rooble, taa beddelkeedna uu dooanyo inuu siiyo guddiga amniga qaranka, haddiiba ay sidaas dhab ka tahay.

Xaqiraadda Rooble

Fahad ayaa si dadban ugu sheegay Rooble inuusan laheyn mas’uuliyadda amniga qaranka, waxaana laga garan karaa qeyb kale oo warqadda ka mid ah, oo uu ku yiri “Hay’adda Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Qaranku waxay codsi rasmi ah u dirtay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya inuu fursad noo siiyo qabsoomidda shirka Golaha Amniga Qaranka, maadama uu yahay guddoomiyaha Golaha Amniga Qaranka, iyo Taliyaha Ciidamada Qalabbka Sida.”

Jumladdaas wuxuu Fahad ugu sheegay Rooble in muddo xileedkiisu dhammaaday, isagoo ku calaameynaya “guddoomiyaha Golaha Amniga Qaranka, iyo Taliyaha Ciidamada Qalabbka Sida,” xilli amniga qaranka dalka uu mas’uul ka yahay Farmaajo oo horey amniga dalka ugu wareejiyey Rooble.

Maxaa u baahan inaan ogaanno?

Qoraalka Fahad ayaa u muuqda xeelad kale oo awoodda dalka dib loogu celinayo Farmaajo, oo uu muddo xileedkiisii sharciga ahaa dhamaaday, mas’uuliyadda amniga dalkana meel fagaare ah ugu wareejiyey Rooble.

Golaha Amniga Qaranka ee fahdiggoodu uu dalbaday Fahad, muddo ka badan wax shir ah isuguma iman, waxayna tani u muuqata waqti dheereysi iyo ila-meereyso cusub oo kiiska Ikraan lagu xagal daacinayo.

Warqadda Fahad uu u diray Rooble ee ogta lagu siiyey guddoomiyaha baarlamanka Maxamad Mursal, oo aan Golaha Amniga ka tirsanayn, waxaa loo arkaa hajnabaad mooshin oo loo jeediyey Rooble. 

Rooble iyo Fahad midbaa haraya

Tallaabada uu qaaday Fahad, waxay ka dhigan tahay in Rooble iyo isaga aysan sii wada heyn karin labada xil ee ay ku kala fadhiyaan ee taliyaha NISA iyo ra’iisul wasaaraha dalka.

Haddii Fahad uu ku guuleysto in Rooble uusan wax tallaabo ah qaadin kadib 48-ka saac, islamarkaana isku keeno Golaha Amniga Qaran, waxay ka dhiggan tahay inuu ka adkaaday Rooble, oo uu yahay awoodda ugu sarreysa dalka, sida la rumeysnaa markii horeba.

Rooble waxaa hadda horyaalla su’aal ah; sidaas inay dhacdo miyuu ogolaan doonaa, mise wuxuu qaadayaa tallaabo ka dhan ah Fahad, taasi oo haddii uu ku dhaqaaqo ka dhigan in awoodda ugu sarreysay dalka uu leeyahay.