FAHAD Yaasiin iyo YAASIIN Farey oo isku khilaafay xogta kiiska Ikraan Tahliil Faarax

Agaasimihii hore ee hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa markii u horeysay ku eedeyay kiiska Ikraan Tahliil inay qeyb ka yihiin Mahad Salaad, Wasiir ku-xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Al-Cadaala iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dilka gabadha uu fuliyey Mahad Karataay oo ka mid ah madaxda sare ee Al-Shabaab, isaga oo sheegay inay aqoon isku leeyihiin Mahad Salaad.

“Nin la yiraahdo Mahad Karataay oo madaxda Shabaabka ka mid ah ayaa howlgalka fuliyey oo xiriir dhow ay leeyihiin Mahad Salaad,” ayuu sii raaciyey.

Fahad wax cadeyn ah oo lagu kalsoonaan karo masoo bandhigin marka laga imaado eedeyntiisa, taasi oo su’aal galinaysa sax ahaanshaha eedeyntiisa.

Sidoo kale Yaasiin Farey oo ahaa gacanta midig ee Fahad ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay in Ikraan ay dilkeeda fuliyeen kooxda Al-Shabaab, isaga oo aan marnaba soo hadal qaadin masuuliyiinta uu sheegay Fahad Yaasiin.

Wuxuu sheegay in markii Ikraan la waayey uu taliye ka ahaa nabad sugidda gobolka Banaadir, halka Fahad Yaasiina uu dalka ka maqnaa sida uu sheegay, kadibna isaga loo xil-saaray in kiiska Ikraan uu baaro.

Yaasiin Farey ayaa ku adkeystay in Ikraan Tahliil ay dileen Al-Shabaab, isagoo sheegay in arrintaas ay ku ogaadeen baaritaan uu sameeyey intii uu ahaa Taliyaha NISA ee gobolka Banaadir.

Fahad Yaasiin iyo Yaasiin Farey ayaa wareysi deg deg ah bixiyay markii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu agaasimaha hay’adda NISA u magacaabay Mahad Salaad.

Arrintan ayaa lasoo warinaya inay ka dambeyso kadib markii ay ka warhaleen in Mahad uu aqbalay in guddi baara u saaro dhammaan wixii tacadi ahaa oo ay gudaha hey’adda ka geysteen xubnihii hore ee hey’adda, gaar ahaan shaqsiyadii ugu awoodda badnaa sida Fahad Yaasiin, Yaasiin Farey iyo Cabdullaahi Aadan Kulane.

Kala-hadalka Fahad iyo Yaasiin Farey ayaa sii xoojinaya eedeymihii hore ula xiriirinayay kiiskaas, maadama ay yihiin labadii masuul ee u sareeyay NISA, xiligii la waayay Ikraan oo lagu tuhunsan yahay inay ku maqan tahay gacantooda.

W/Q: Cabdi Axmed Xuseen

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid.