PUTIN oo dejiyey qorshe arxandarro ah oo uu kaga aarsanayo dalalka Yurub

Moscow (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa dejiyey qorshe cajiib ah oo uu kaga aarsanayo dalalka Midowga Yurub, kadib xayiraadihii ay saareen iyo hubka ay ku taageeraan Ukraine.

Prof. Timothy Snyder, oo taariikhda ka dhiga Jaamacadda Yale University ee Mareykanka, ayaa sheegay in xanibaadda uu Putin saaray Badda Madow “looga dan leeyahay in lagu abuuro qaxooti,” si taasi ay u hoggaamiso xasillooni darro ka dhacda gudaha Midowga Yurub. 

“Qorshaha gaajada ee Putin, waxaa laga damacsan yahay in qaxooti looga abuuro Waqooyiga Afrika iyo Bariga Dhexe, oo ah aag ay quudiso Ukraine. Tani waxay xasillooni darro ka abuuri doontaa gudaha Midowga Yurub,” ayuu Snyder ku qoray twitter. 

Yurub ayaa sanado badan la tacaaleysay qaxootiga Afrika iyo Bariga Dhexe, waxaana gaajo iyo macluul ka dhacday ay horseedi doontaa malaayiin u barakaca Yurub, taasi oo xsarad ka abuureysa.

Dagaalka ka socda Ukraine ayaa sababay in dekedaha Ukraine ee ku teedsan Badda Madow ay xirmaan, taasi oo halis gelisay qulqulkii cuntada, islamarkaana caqabad ku noqotay dalal badan oo si xooggan isugu halleeyaa haruurka Ukraine oo ah mid ka mid ah dalalka dhoofiya haruurka badan ee caalamka. 

Snyder wuxuu sidoo kale digay in haddii ay sii socota xanibaadda Ruushka, “ay malaayin tan oo cunno ah ku qurmi doonaan bakhaarada,” islamarkaana malaayiin qof oo ku nool Afrika iyo Asia ay gaajoon doonaan.

Putin oo ‘baqe-maalaya Dunida’

Ala Stoyanova, oo ah barasaab ku-xigeenka magaalada Odessa ee Ukraine, ayaa sameysay diginin noocaas ah oo ku saabsan cawaaqibka ka iman doonaa badeecadaha haruurka ah ee ka buuxa dekadaha Ukraine ee aan la dhoofin karin, taasi oo cunno yari ka abuureysa qeybo ka mid ah dunida.

“Waa ujeedkiisa, sida aan u maleynayo, inuu dalalkan saboolka ah ka dhigo inay gaajo u dhintaan haddii aanay helin haruurka. Marka uu xanibay dekedaha, wuxuu baqe-maalayaa dunida,” ayey u sheegtay waregyska The Telegraph.

Maalin kasta, waxaa dekedda Odessa iyo dekedaha kale ee Ukraine yimaada 3,000 oo konteenar oo haruur ah, halkaasi oo la geeyo baqaaro, sida uu ku warramay wargeyska The Telegraph.  

Islamarkaana, qiyaastii 276 milyan oo qof oo dunida ku nool ayaa wajahayey gaajo, tan iyo billowgii sanadkan. Si kastaba, tiradaas ayaa waxaa ku kordhi kara 47 milyan oo qof, gaar ahaan dalalka Afrika ee saxaraha ka hooseeyaa, haddii dagaalka uu sii socdo.

Dhimashada oo qeyb ka ah dacaayadda Ruushka

Prod. Snyder ayaa walaac ka muujiyey gaajada qeybo ka mid ah dunida, isaga oo sheegay in Russia ay leedahay “qorshe gaajo,” kaasi oo Putin uu diyaar u yahay inuu gaajo ku dilo inta badan dalalka dunida soo koreysa, taasi oo ah qeyb ka mid ah wejigga xiga ee dagaalka Yurub.

“Cabsida qorshaha gaajada Putin waa mid aad u weyn oo ay adag tahay inaan fahanno. Waxaan sidoo kale hilmaamsannahay sida cuntada ay xuddun ugu tahay siyaasadda,” ayuu yiri Snyder. 

Isaga oo saadaalinaya qorshaha iyo hadafyada madaxweynaha Ruushka, Snyder wuxuu sidoo kale xusay in malaayiin qof oo macluul ugu dhinta caalamka ay qeyb ka tahay dacaayadda dagaalka Ruushka ee ku aadan Ukraine.