MASAR oo si taxaddar leh u wajaheysa Soomaaliya kadib doorashadii Xasan Sheekh

Qaahira (Caasimada Online) – Dib u doorashadii bishii May ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud mar labaad loo doortay madaxweynaha Soomaaliya waxaa dhashay su’aalo badan oo ku saabsan saameynta ay Masar ku yeelan karto danaha geeska Afrika.

Danaha amni iyo siyaasadeed ee Masar ee Badda Cas iyo kanaalka Suweys waxaa si toos ah u taabanaya arrimaha Soomaaliya, waxaana isku xiran oo iskana soo horjeeda danaha caalamiga ah iyo kuwa gudaha gobolka ah, iyadoo dhawaan ay loolankaas kusoo biireen dowlado ay kamid yihiin Turkiga, Iiraan, qaar kamid ah dalalka Khaliijka, Ruushka iyo Shiinaha.

Labo maalmood kadib guushii Xasan Sheekh Maxamuud, wasaaradda arrimaha dibadda Masar ayaa soo saartay war-saxaafadeed heerkiisa uu hooseeyo oo ay ku sheegtay in doorashadu ay tahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday xasilloonida dalka.

Bayaanka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Masar ma uusan soo dhaweyn madaxweynaha mana ka hadlin siyaasadda Masar kaga aadan, balse waxaa si fudud mar kale loogu yiri bayaanka “Masar waxay diyaar u tahay taageerada dadaallada nabadda iyo xasilloonida iyo ciribtirka argagixisada.”

Sida la ogyahay illaa hadda ma jiro xiriir rasmi ah oo dhex maray Masar iyo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Diblomaasi ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Masar oo diiday in magaciisa la isticmaalo ayaa u sheegay Al-Monitor “Faylka Soomaaliya ayaa ugu sarreeya ajandaha Masar”.

Wuxuu intaas kusii diray “Masar waxay si dhow ula socotaa dhammaan isbeddellada siyaasadeed ee Muqdisho, oo ay ku jiraan doorashada madaxtinimada. Waan ku qanacsanahay doorashada madaxweynaha Soomaaliya, waxaana rajeyneynaa in iskaashi ballaaran laga yeesho arrimaha gobolka ee danta guud.”

Diblomaasigaan ayaa xusay in Masar ay qaadatay hindiseyaal badan oo wada-hadal ah oo ay la yeelatay jilayaasha siyaasadda ee Soomaaliya, wuxuuna mar kale yiri “ Masar waxay heer hey’adeed kala shaqeysay Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay in la gaaro nabad iyo xasillooni ka dhalata Soomaaliya”.

Muddo xileedkii hore ee uu madaxweyne Xasan Sheekh dalka madaxweyne ka ahaa 2012-kii illaa 2017-kii wuxuu xiriir dhow la lahaa Qaahira, isaga oo afar booqasho ku tagay Masar, waxaana musid mudan in Masar safaaradeeda Muqdisho ay dib uga furtay sanadkii 2013-kii.

Sidoo kale, markii uu xafiiska ka tagay, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu sii waday xiriirka weyn ee kala dhaxeeya Qaahira, wuxuuna xiriir wanaagsan la lahaa aqooyahanada Masar, iyadoo lagu martigeliyey xarumaha cilmi-baarista ee dowladda.

Maxamed Cabdiwaaxid oo horay uga tirsanaa jiray sirdoonka Masar oo ka jawaabayey su’aal uu wargeyska Al-Monitor waydiiyey oo aheyd waxyaabaha ugu muhiimsan oo ay Masar ka dooneyso  Soomaaliya ayaa ku jawaabay “ Soomaaliya waxay door muhiim ah ka ciyaartaa isku dheelitirka loolanka ka dhex jira dowladaha Afrika ee ku saabsan qabsashada gobolka, sida damaca Itoobiya, sidoo kalena waxay muhiim u tahay loolanka caalamiga ah ee Afrika”.

Waxa uu intaasi ku daray “Masar waxa ay aaminsan tahay in xasiloonida Soomaaliya ay horseedi karto isku dheeli tirnaan, halka Itoobiya ay doonayso in ay isku daydo in ay wiiqdo Soomaaliya oo ay farageliso arrimaheeda maxaliga ah, si ay u maamusho geeska Afrika, maadaama ay tahay wadan aan laheyn bad.”

Abdel Wahed oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Masar waxa ay taageertay mowqifka Soomaaliya tan iyo markii la riday taliskii Siyaad Barre [1991] iyo guulihii dib u heshiisiinta Soomaaliyeed [1997] iyadoo la ilaalinayo xiriir dheeli tiran oo ay la leedahay dhammaan gobollada Soomaaliya.”

Masar waxa kale oo ay ilaashatay wada shaqaynta ay la leedahay maamulka  Somaliland, oo ah dhulka ay ku muransan yihiin dawladda dhexe ee Soomaaliya.

Qaahira waxa ay u fidisay barnaamijyo taageero iyo deeqo ah Somaliland, waxayna marar badan isku dayday inay taageerto wada-hadal dhex mara Somaliland iyo dawladda Faderaalka Soomaaliya, intii uu xilka hayay Xasan Sheekh Maxamuud.

Abdel Wahed oo ka hadlayey madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa yiri “Marka loo eego siyaasadii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu u muuqdaa mid u furan gobolka Carabta, taas oo ka soo horjeeda siyaasadii colaadeed ee uu qaatay Madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo doonayay in uu xulafo la yeesho Turkiga oo uu galo xerada Eritrea iyo Itoobiya.”

Maxamed Cabdikariim oo ah cilmi-baare ku takhasusay arrimaha Afrika kana tirsan Jaamacadda Qaahira, ayaa u sheegay Al-Monitor  in dowladda Masar ay ka fileyso Xasan Sheekh Maxamuud dabacsanaan iyo wada-shaqeyn.

“Waxaan filayaa inay soo noqoto furfurnaan iyo wada- shaqayn xooggan oo Masar iyo maamulka cusub ee Xasan Sheekh, gaar ahaan marka la eego in xukuumaddii hore ee Farmaajo ay ahayd tii ugu liidatay Masar gaaar ahaan danaha geeska Afrika oo uu ku jiro isu soo dhawayntiisa Itoobiya iyo Turkiga oo ka soo horjeeda danaha Masar.”

Waxa uu intaasi ku daray “ma filayo in Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya uu ku daba jiro isbahaysiga Itoobiya iyo Ereteriya ee uu abuuray Abiy Axmed, gaar ahaan marka la eego in Xasan Sheekh uu leeyahay aragti sheegeysa in Itoobiya ay duulaan ku tahay Masar”.

Cabdikariin oo sharaxaya iskaashiga dhex mari karo Soomaaliya iyo Masar ayaa yiri  “Soomaaliya waxa ay sugeysaa hindise Masaarida ah oo lagu kordhinayo iskaashiga dhinacyada siyaasadda iyo dhaqaalaha, ma ahan oo kaliya dhanka amniga. Wadashaqeyntu waa inaysan ku koobnaan heerka rasmiga ah oo keliya, waayo waa in la sameeyo hindiseyaal waaweyn lagu kordhinayo isu soo dhowaanshaha Soomaaliya.”

Dhanka kale, Cabdikariin oo ka hadlayey sida ay Masar uga hadashay doorashadii ka dhacday Soomaaliya iyo guusha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa yiri “Xaaladdu waxay saamaxaysaa in Masar ay yeelato door madax-bannaan marka la eego arrimaha Soomaaliya, laakiin jawaabta Masar ee natiijada doorashada Soomaaliya weli waa daciif inkastoo caqabado badan ay horyaalaan.

Axmed Askar, oo ah cilmi-baare arrimaha Afrika kana tirsan xarunta Al-Ahram ee daraasaadka siyaasadda iyo istiraatijiyadda, ayaa u sheegay Al-Monitor, “Waxaa lagama maarmaan ah in Masar ay si degdeg ah ugu dhaqaaqdo soo celinta iyo fahamka Turubka siyaasadda Soomaaliya maadaama uu ka mid yahay cadaadiska taariikhiga ah, haddii ay Masar fahamto sida ay u socoto siyaasadda Soomaaliya waxaa sare u kacayo saameynta ay ku leedahay geeska Africa”.

Isaga oo hadalkiisa sii wata  waxa uu yiri, “Arrinta amnigu waxa ay noqon kartaa albaab iskaashi oo xooggan oo u dhexeeya Masar iyo Soomaaliya, marka la eego khibradda gaarka ah ee Masar u leedahay dhinaca farsamada iyo tababarka ciidanka.”

Askar ayaa dhanka kale qiray in Masar ay heysato xisaab kale, wuxuuna yiri   “Xisaabinta Masaarida marka ay timaado feylka Soomaaliya waxa laga yaabaa in ay noqoto mid adag marka la eego danaha Khaliijka ee sida xooggan uga jira Soomaaliya xilligan.”

Isla markii uu Xasan Sheekh noqday madaxweynaha Soomaaliya waxa uu la kulmay safiirada Qatar, Imaaraadka iyo Turkiga, waxaana go’aankiisii ugu horeeyay uu ahaa inuu soo celiyo 9.6 milyan oo dollar oo imaaraadku lahaa oo dowladii hore ay la wareegtay.

Doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo ah mid istiraatijiyadeed oo muhiim ah ayaa Masar siisay xoogaa fursad ah, laakiin Qaahira ayaa wali si taxadar leh u muujineysa muhiimadda ay leedahay ilaalinta nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.