Fahad Yaasiin oo dhibaato siyaasadeed u wajahay aqoontii uu u lahaa Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasadda Soomaaliya abaalka ma xeyriso haddii uu abaalka boos sare ku lahaana sanadihii lasoo dhaafay waa la xiray qaanadaas.

Iyadoo ay gabagabo yihiin maalmaha nidaamkii hore ee ka talinayey Soomaaliya ayaa hadda waxaa la eegayaa sida ay siyaasiyiinta kasii haraya Tareenka Dowladda ay u sagootiyaan saaxiibadoodii shaqada ama ay isaga cafiyaan wixii dhex maray intii ay shaqada ku wada jireen.

Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ay maalmihiisu dhammaad yihiin wuxuu ku jiraa siyaasiyiinta dagaalka ba’an ka dhex fuliyey nidaamka dowliga ah ee Soomaaliya tobankii sano ee u dambeysay.

Waxaa la fahamsan yahay inuu si weyn ugu ololeeyey in Xasan Sheekh Maxamuud uu kusoo baxo doorashadii dhacday 15-kii May, taasoo dadka qaar ay u dhigayaan inay dano gaar ah la xiriirto.

Rooble oo shalay u dhoofay waddanka isku tagga Imaaraadka Carabta ayaa inta uusan dhoofin wuxuu hadal ka jeediyey shirkii Khamiislaha ahaa ee golaha wasiirada dowladda federaalka ah, kaas oo aan dhowr bilood la qaban, waxayna qaar kamid ah kalmadihiisa abuureen hadal heyn xoog leh.

Wuxuu Rooble mar kale weeraray taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo kamid ahaa raggii sababta u ahaa inuu Rooble Ra’isulwasaare ka noqdo Soomaaliya.

Iyadoo la ogyahay wixii dhex maray Fahad iyo Rooble bilihii lasoo dhaafay illaa uu Rooble gaarsiiyo Fahad inuu xildhibaan noqon waayo ayuu haddana mar kale wuxuu Rooble sheegay inay Farmaajo iyo isaguba shaqo fiican wada qabteen balse dhibaatadu ay aheyd milkiilaha.

Shantii Sano ee lasoo dhaafay Fahad Yaasiin ayaa loogu yeeraayey milkiilaha dowladdii uu madaxda ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Rooble wuxuu bogaadiyey Farmaajo, wuxuu sheegay inay howl fiican wada-qabteen, wuxuu ugu baaqay in la is wada cafiyo maadaama uu mar walba khilaaf dhici karo, laakiin Ra’isulwasaare Rooble wuxuu kasii daba tuuray in dhibaatadu aheyd milkiilaha.

Waa markii labaad asbuuc gudihiis oo uu Ra’iisul Wasaare Rooble weeraro ninkii lagu tilmaami jiray milkiilaha Dowladda ee Fahad Yaasiin.

Wareysi uu VOA siiyey ayuu Ra’iisul Wasaare Rooble sidoo kale ku sheegay inuu Xasan Shiikh kaga digayo inay dowladiisa yeelato milkiile, taasoo ka dhigan inay Labada Nin ee Rooble iyo Fahad toos ula baxayaan cadaawadoodii ka dhalatay siyaasadda.

Aqoontii ay isku lahaayeen labada Nin oo Rooble ka caawisay inuu siyaasadda soo galo ayaa dhinaca kale Fahad gaarsiisay dhaawicii ugu weynaa intii uu ku jiray siyaasadda.

Waa markii Koowaad ee la arkayo Laba Siyaasi oo arrimaha Dowladda isku khilaafay oo bannaanka la aadayo cadaawadooda ka dhalatay siyaasadda, taasoo ah dhaqan ugub ah.