Fashilka haysta hay’adda NISA: Taliyeyaal kor socod ah (Warbixin)

Hey`ada Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Soomaaliyeed ayaa iyadu mareysa heerkii ugu hooseeyey abid iyadoo ay bari ahaan jirtay mid kamid ah Sirdoonada Afrika ugu culus.
Iyadoo ay taas jirto ayaa markasta oo loo magacabo taliya cusub NISA waxaa mudo gaaban kadib la arkaa Taliyaha cusub oo wadi waaya xilka loo soo magacaabay isagoo markiiba la kulma fashil Amni taasoo ugu dabeyn sababta in xilka laga qaado si waliba aan wanaagsaneyn.

Sababta Fashilka keenta

Sababta ugu weyn ayaa ah in Hey`ada Sirdoonka loo magacaabo qof aan shaqadeeda aqoon lagana ilaaliyo Saraakiisha ka tirsan NISA, waligeedna aan loo magacaabin Sarkaal ka tirsan Hey`ada Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka in uu noqdo Taliyaha, waxaana taas badalkeeda banaanka laga keenaa qofkii Taliya u noqon lahaa midaasoo curyaamisay heerkasta oo ay gaari laheyd NISA.

Taliyah cusub ee banaanka laga keeno ayaa ku wareera Hey`ada Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka ee uu madaxda u yahay wuxuuna kala garan waayaa meesha shaqada u socoto iyo meesha ay ka timid isagoo ka badin waaya in beeshiisa uu isku hareereeyo xoogaa lacag uruursina galo ilaa marka danbe u ka baxo taliska dhexe ee Habar Khadiijo isagoo aan kala aqoon habka shaqada.

Hadaba sirdoonka Soomaliya ma dhismidoono inta qof aan shaqada aqoon kana mid aheyn Sirdoonka Soomaaliya loo dirsanayo howl aysan wax uga bilowneen iyadoo lagusoo xulayo waxaan isku nahay isku beel, isku xisbi ama aniga ayuu ii yahay Kabo qaad iyo ha iigu shubo Koontadeyda Lacag faro badan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live,.com