WARAYSI: Muuse Biixi oo xabsiga dhigay qoyska Saleebaan Xaglotoosiye

Hargeysa (Caasimada Online) – Saleebaan Ciise Axmed Xaglotoosiye, Wasiirkii Hore ee Caafimaadka Somaliland oo  Warbaahinta lahadlay ayaa Sheegay in magaalada Burco lagu Xidhay Xaaskiisa iyo Gaadhigiisa oo ay la socdeen Qoyskiisu, Kuwaasi oo uu sheegay inay kusii jeedeen Gobolka Sool.

Wuxuu eedaynta Xadhigaasi dusha uga tuuray Madaxwaynaha Cusub ee Somaliland Muuse Bixii Cabdi, Wuxuuna sheegay inaysan Jirin wax khilaaf ah oo ka dhexeeyay labadooda, Isagoo xusay inuu kamid ahaa dadkii Ololaha doorasha u galay.

Saleebaan ayaa sheegay inuu dhowr jeer la xidhiidhay Taliyaha Ciidamada Booliska Fadal, Kaasi oo sheegay inaanu dib ugu soo celin dhowr jeerna uu ku Damiyey Taleefanka.

Arintan ayaa kusoo Beegmaysa iyadoo Muuse Biixi Wasiirada Cusub ee uu ku dhowaaqay Shalay  uu iska dhex waayey Saleebaan Ciise Xaglotoosiye, oo horay uga tirsanaa Wasiiradii Xukuumaddii Siilaanyo.