Shariif Xasan oo magacaabay Wasiiro cusub oo kamid noqonaaya maamulkiisa (Akhriso)

Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Wasiiru Dowlaha Maaliyadda maamulkiisa.

Hogaamiyaha ayaa sheegay in magacaabida degdega ah ee Wasiiradaasi ay keentay baahiyo kala duwan oo maamulka uu u qabo, waxa uuna ku baaqay inay ku shaqo galaan si dhaqsi ah.

Hogaamiyaha maamulka ayaa xilka Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed u magacaabay Maxamed Nuur Madoobe Nuunow oo horay ula shaqeeyay maamulka, waxa uuna bedelay Marxuum Madoobe Nuunow oo lagu dilay weerarkii ka dhacay Hotel Naasab-hablood ee Muqdisho.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Hogaamiyaha ayaa waxaa sidoo kale lagu magacaabay Wasiiru Dowlaha Maaliyadda Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaana xilkaas loo magacaabay Maxamed Cumar Zeytuun.

Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka Maamulka Koonfur Galbeed Aadan Xasan Maxamed ayaa warbaahinta u aqriyay magacaabista uu sameeyay Madaxweyne Shariif Xasan.

Dhinaca kale, Hogaamiyaha maamulka ayaa mas’uuliyiintaas faray inay ugu shaqeeyan si ay ku jirto cadaalad isla markaana leh howl gudasho hufan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com