Farmaajo oo shirka Istanbuul kadib dib ugu soo laabtay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa kasoo laabtay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga, kaddib markii ay halkaa uga soo qaybgaleen shir Madaxeedka Ururka Iskaashiga Islaamka ee Go’aanka looga gaarayay arrinta Qudus.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka kala socotay golayaasha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Dalka ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Istanbuul ee Dalka Turkiga waxa uu kulamo gaar gaar ah la yeeshay qaar ka mid ah madaxdii shirkaasi ka qayb gashay, iyadoo ay hoggaamiye waliba ka wada hadleen xoojinta xiriirka wadamadooda.

Madaxweynaha ayaa Turkiga kaga soo qeyb-galay shir deg-deg ah oo ay isugu imanayeen Madaxda Dalalka ku bahoobay Ururka Iskaashiga Islaamka( OIC ), kadib markii uu Madaxweynaha dalka Maraykanku ku dhawaaqay in magaalada Qudus ay tahay Caasimada Israa’iil.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com