Fal-celin culus oo ka dhalatay tallaabadii uu qaaday DENI

Garoowe (Caasimada Online) – Fal-celin xooggan ayaa ka dhalatay guddi uu magacaabay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, kaasi oo ah “guddiga wada-xaajoodka arrimaha doorashooyinka.”

Saciid Deni oo xiisad xooggan kala dhaxeyso siyaasiyiinta mucaaradka, ayaa xeer madaxweyne ku soo saaray magacaabida guddigan oo 7 xubnood, kuwaasi oo inta badan uu kasoo xushay golihiisa wasiiradda.

Guddigan ayaa waxa uu Saciid Deni guddoomiye uga dhigay Cabdi Faarax Siciid Juxa, oo ah wasiirka arrimaha gudaha dowlad-goboleedka Puntland, sidoo kalena waxay u badan yihiin xubno ku mayal adag qabashada nooca doorasho ee uu rabo madaxweynaha billooyinka u harsan yihiin.

Lama oga waxa ay guddigan ka goyn karaan ismari-waaga doorashooyinka ee u dhaxeeya mucaaradka iyo Deni, ayada oo horey siyaasiyiinta mucaaradka ay u diideen in ay wada-hadal la galaan madaxweyne Deni, oo ay sheegeen in uusan diyaar u aheyn wada-hadalka hanaanka doorasho ee la isku haya.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay?

Cabdirisaaq Xaashi: “Puntland wiiftooyinkii ayaa ka bilawday.”

“Deni iyo kooxdiisa fashilantey waxaan leeyahay idinkuu waqtiga idinku socdaa gudi been ah haku meereysanina ee doorasho la isla ogol yahay qabta,” ayuu yiri Qaasim Isxaaq Xasan.

Saciid Ciise Axmed: “Isu eekaa ayaamuhu waxaan xasuusta xilligii Farmaajo doorashadiisi iyo waraaqihii tira beelka ahaa oo uu soo saari jiray xilliyada danbe habeenkii.”

“Waa war wanaagsan in ay bilowdaan wada-hadalka xukuumadda iyo Mucaaradka,” ayuu yiri Danjire Maxamed Kaarad.

Cabdirashiid Cartan: “Dawladnnimada Puntland waxa ay u baahan tahay dib u qaabayn. Nin walba in uu tiisa wataa maaha wax soconaysa. Puntland shacabkeedu waxa ay rabaan doorasho la isla ogol yahay.”

Faysal Faarax Shire ayaa isna waxa uu yiri “Macno soo kordhin mayaan guddigaa waayo Deni ma rabo xal ee wuxuu rabaa tiisa ama burbur.”

“Madaxweyne hadaa haysaa jidkii wanaagsanaa waa soo dhaweyneyna guddigana waxaa rajeyneyna inay noqdaan kuwo shacabkooda iyo dadkooda nabad waarta u keena oo la dareen ah,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Somali.

Saciid ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Madaxweynuhu wada-hadalna waa sheegaa markasta hadana hawshiisa ayuu wataa oo abaabul ciidan iyo laaluush baarlamaan ayuu ku hawlan yahay, si tiisu u meel marto. Ha kala daayo arimaha.”

“Deni ma dadkii laga cabanayay ayaa xoojinaya wada-xaajoodka war Allah ayaa Somalia madax uga dhigin.” ayuu yiri Bicir Xaashi Dhoore.