Wararkii ugu dambeeyay ee dagaallo ka dhacay Sh/hoose

Afgooye (Caasimada Online) – Faahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya weeraro kala duwan oo ay xalay dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ka fuliyeen saldhigyo ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa TMIS ay ku leeyihiin gobolka Shabeelaha Hoose.

Weerarka koowaad oo ah mid xoogan ayaa waxaa lagu qaaday xero ay ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka ATMIS ay ku leeyihiin deegaanka Daanow, waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay ciidankii ku sugnaa xerada iyo maleeshiyaadka weeerarka qaaday.

Saraakiil ka tirsna milatariga Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka uga yimid kooxda Al-Shabaab, welina ay joogaan deegaanka.

Sidoo kale weerarka labaad ayaa ka dhacay deegaanka Janaale, kadib markii ay weerar gaadmo ah xubno ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen fariisin ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda, waxaa isna xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay labada dhinac.

Al-Shabaab oo war kasoo saartay weerarkaasi waxa ay shaacisay inay ku dishay askar ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya, sida ay hadalka u dhigtay.

Dhankooda ciidamada dowladda ayaa sheegtay inay khasaare gaarsiiyeen xubnaha weerarka soo qaaday, haatana ay wadaan howlgallo amni xaqiijin ah.

Xaaladda aya maanta deggan, inkastoo lasoo wariyay ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS inay howlgallo ka bilaabeen qaybo badan oo kamid ah gobolka Shabeelaha Hoose.

Gobolkan oo ay weli ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa inta badan ka dhaca dagaallo khasaare gaysta oo ka dhasha weeraro ay soo qaadeen maleeshiyaadka kooxdaas.