Falcelin culus oo ka dhalatay tallaabo ay xalay qaadeen xildhibaano ka tirsan BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin xooggan ayaa ka dhalatay tallaabo ay xalay qaadeen 71 Xildhibaan oo ka kala tirsan labada gole ee BFS, kuwaasi oo ka horyimid wax ka bedelka dastuurka, waxayna sheegay in qorshaha socda dadka iyo dalka lagu kala fogeynayo.

Xildhibaanada iyo Senatorrada ayaa cadeeyey in shaqada socota ee wax ka bedelka dastuurka aysan qeyb ka noqon doonin, iyagoo ka digay sida ay wax ku socdaan farriinta u diray madaxweynaha, xukuumadda iyo guddoonka baarlamaanka.

Bayaan ka soo baxay shirka xildhibaanada oo xalay ka qabsoomay Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay in heshiiskii lagu go’aamiyey in dastuurka wax laga bedelo ee golaha wadatashiga qaranka uu ahaa mid aan loo dhameyn oo Puntiland ay ka maqantahay.

Fal-celinta u weyn ee ka dhalatay tallaabadan ayaa ah in xildhibaannada lagu dhaliilay in doodda dastuurka oo ka socota baarlamaanka ay warbaahinta lasoo fariisteen bayaan aan waxba ka beddeleyn howsha socota, ayna aheyd in aragtidooda iyo diidmada sida ay wax u socdaan ka hor sheegaan golaha, halka dadka qaarna ay qabaan taasi bedelkeeda.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay?

Cabdiqadir Cubayd: “Soomaaliya waxa wareeriyey calooshi u shaqaystayaal wa in laga gudbaa oo dawladnimadu shqysa guul iyo gobonimo madax wayne.”

“Dastuurkaan in la dhameystiro waa muhiim. Xildhibaanadiina raali ahaada. Waxaan is weeydiyay intaan o xildhibaan maxay qaraxii SYL saan o kale ugu soo istaagi waayeen u hadli waayeen oo dowladdana ula xisaabtami waayeen. Anyway interestigooda lee raadinooyaan,” ayuu yiri Cabdulqaadir Sheekh Cumar.

Cabdicasiis Ismaaciil: “Siyaasadd Xumada Xasan Sheekh asagoo laba sanno xitaa aysan u buuxsamin ayuu dalka qalalaaso siyaasaddeed galiyay.”

Ayuub Bashiir ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Xarunta baarlamaanka miyaa loo diiday, ma dooda ay qabaan halkaas ka sheegtaan oo ama diidaan ama yeelaan?!.”

Cabdiqaadir Jaylaani ayaa isna waxa uu yiri “Mooshin ka keena gudoomiyaha, haddii ay idinka dhab tahay.”

“Dastuur la isla wada ogol yahay baa dalkaan dan u ah laakiin dastuur dadka wato inee badalaan dan u ah macquul maaha ee saan wax ka badala,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cumar Yuusuf.

Maxamed Cabdullaahi C/raxmaan: “Dooddaas golaha baarlamaanka dhexdiisa ka sheega, wixii intaas ka soo haray waxba sooma kordhinayso.”

Suldaan Maxamuud ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Dastuurka qabyada ah yaa ansixinaya haddii madaxweyne kasta laga horyimaado waa su’aasha iswaydiin mudan oo qofkasta maskaxdiisa ka guuxaysa.”

“Dalka badbaado ayuu u baahan yahay idinkaa na-matala waajibkiina guta,” ayuu yiri Xasan Aadan Cigaal.