Sidee looga falceliyey kulankii Sheekh Shariif iyo Farmaajo?

Muqdisho (Caasimada Online)Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho, xilli ay dhisayaan isbaheysi ka dhan ah madaxweyne Xasan Sheekh iyo dowladdiisa. 

Kulanka ayaa yimid maalin kadib markii uu Farmaajo kusoo laabtay dalka Jimcihii, isaga oo tan iyo markii looga adkaaday doorashada ku maqnaa dalka Qatar oo uu deganaa.

Labada madaxweyne ayaa ka wada-hadlay arrimo ku aadan xaaladda guud ee dalka iyo doodda ka taagan wax ka beddelka dastuurka KMG ah ee Soomaaliya.

Farmaajo iyo Sheekh Shariif ayaa isku dhowaa tan iyo bilihii ugu dambeeyey ee xukunka Farmaajo, waxaana la rumeysan yahay inuu xiriir joogto ah oo dhow uu ka dhaxeeyey tan iyo dib u doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in labada madaxweyne ay Muqdisho ka billaabi doonaan olole siyaasadeed ballaaran oo lagu mucaaradayo dowladda madaxweyne Xasan Sheekh, oo ay ugu horreyso in la is-hortaago dhameystirka dastuurka dalka.

Haddaba sidee looga falceliyay kulanka Shariif iyo Farmaajo?

Maxamed Cabdiraxmaan Xuseen “Shariifow dhiiqa lugaha laguu galinayaa ee ka joog”.

Yuusuf Socdaal “Siyaasaddu saaxbitinmo joogta ah ma laha dano joogta ah ayey leedahay ee 2026 iska suga, haddiii kale Muqdisho waa leydiinka tarxiilayàa la socda”.

Maxamed Isaaq “Wlhi Thuma Wlhi mar kale inaa hotel Maa;ido ku weerarto muu rabaa?, mise ballan qaadaa u sameysay inaa weerari doonin?”.

Farxaan Cali “Madaxweyne Mohamed Abdulllahi farmaajo iyo Madaxweyne Sheik Shariif guuleysta”.

Yaasir Maxamed “Waan soo dhaweyneynaa Soomaaliya waa inay heshaa dastuur la wada ogolyahay”.

Xasan Cabdulqaadir Muudey “Maka wada hadasheen habeenkii Hotel Maa’ida uu weerarka idinku soo qaaday, isagoo xukunka dalka haaya Farmaajo?”

Cabdikaafi Xaaji Mukhtaar “Maasha Allaah labada madaxweyne ee dalkeenna Mudane Shariif Sheik  Ahmed iyo Mohamed Abdullahi Farmajo Allah ha idin sharfo, waxaana idinku waajib ah in aad dhiiragelisaan dalkeenna iyo shacabkeenna guuleysta”.