Kadib dhacdadii shalay, XASAN oo la xasuusiyay xanuunka ay leedahay in…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib loo xasuusiyay xanuunka ay leedahay dibad-baxayaal la rasaaseeyo, xilli ay shalay ciidanka dowladda Muqdisho ku rasaaseeyen dibad-baxayaal.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo si weyn u cambaareeyay khasaaraha ka dhashay rasaastii shalay lagu riday dadkii mudaharaadayey ayaa falkaasi ku tilmaamay xad-gudub weyn.

“Waxaan cambaaraynayaa dilka loo geystay wiilka dhalinyarada ah ee ku dhintay rasaastii lagu riday dadkii ku mudaaharaadayey Isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho. Falkaasi wuxuu xadgudub ku yahay xaqa dastuuriga ah iyo xurmada nafta muwaadinka,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Waxa uu intaas kusii daray “Allaha u naxariisto wiilka dhallinyarada ah ee ku dhintay rasaasta, kuwa dhaawaca ahna Allaha u booga dhayo.”

Xildhibaanka ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in shacabka Muqdisho marar badan ay dalbadeen in magaalada maqaam loo sameeyo, si ay u soo doortaan hoggaan ay la xisaabtami karaan, “taasi oo aan marar badan ku cel-celinay, welina u taagannahay,” ayuu yiri.

“Ka sokow in ay masuuliyad saaran tahay, haddana waxaan xusuusinayaa Madaxweyne Xasan Sheekh, xanuunkii ay lahayd dibadbaxayaal la rasaaseeyo,” ayuu ugu dambeyntiina yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Si kastaba, dibadbixii shalay oo ay dhigayeen dadweyne careysan ayaa waxaa looga cabanayay maamulka degmada Warta Nabadda, ayada oo shaqaaqadu timid kadib markii ciidamada ay rasaaseeyen dibad-baxayaashii, kaasi oo uu ka dhashay khasaare dhaawac iyo dhimasho leh.