Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta saxiixay SHARCI muddo laga soo shaqeynayay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta saxiixay sharci cusub.

Sharcigan uu maanta qalinka ku duugay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ah sharciga qaxootiga iyo magangalyo-doonka, sida ay goordhoweyd shaacisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Sharcigan ayey wasaaradda ku tilmaamtay mid muhiim ah, oo ka hadlaya xuquuqda qaxootiga iyo magangalyo-doonka iyo waajibaadka hey’adaha kala duwan ka saaran ilaalintooda.

Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangalyo-doonka ee maanta uu saxiixay madaxweynaha ayaa waxay Golaha Shacabka ansixiyeen 13-kii, September ee sanadkii dhamaaday 2023-kii, halka Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka ay meel-mariyeen sharcigan 16-kii, January ee 2024-ka.

Waa sharcigii labaad ee madaxweynaha uu laba asbuuc gudahood saxiixo, isaga oo dhawaan saxiixay heshiiska iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha ee dhawaan wada gaareen Soomaaliya iyo Soomaaliya.

Heshiiskaas ayaa sidoo kale waxaa si deg deg ah u meel-mariyay Golaha Wasiirrada Soomaaliya iyo labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna awood buuxda u siinaya Ankara inay la wareegto ammaanka baddeena, xilli ay taagan xiisadda dowladda federaalka kala dhaxeysa Itoobiya.

Si kastaba, sharcigan uu maanta saxiixay madaxweynaha ee qaxootiga iyo magangalyo-doonka ayaa ugu dambeyn si rasmi ah u noqonaya dhaqan-gal kadib muddo ay howshiisa soo socotay.