Fanaanad Shakira oo sideed sano oo xabsi ah wajaheysa

Madrid (Caasimada Online) – Dacwad-oogayaasha dalka Spain ayaa sheegay inay raadin doonaan in ka badan sideed sano oo xabsi oo lagu xukumo fanaanadda caanka ka ah dunida ee Shakira, kadib markii ay diiday inay heshiis ka gasho eedeymo khiyaano canshuur ah oo loo haysto. 

Dacwad-oogayaasha magaalada Barcelona ayaa sidoo kale dalban doona ganaax dhan 24 milyan oo euro oo la saaro fanaanaddan 45 jirka ah.

Waxa ay Shakira ku eedeeyeen inay xafiiska canshuur uruurinta Spain ka khiyaantay 14.5 milyan oo Euro oo dakhli ah intii u dhaxeysa 2012 illaa 2014.

Shakira, oo iibisay in ka badan 60 milyan oo album oo heesaheeda ah, ayaa Arbacadii diiday inay heshiis la gasho dacwad-oogayaasha, waxaana bayaan ay soo saartay oo ay baahiyeen qareenadeeda ku sheegtay “inay si buuxda u hubto inaysan dambi gelin,” sidaas darteedna ay go’aansatay in kiiskeeda maxkamad la geeyo.

“Waxaan ka ku kalsoonahay in dambi la’aanteyda la xaqiijin doono,” ayey tiri. 

Weli laguma dhowaaqin Maxkamadda kiiskan qaadi doonto, loomana qaban waqti. 

Qareenada Shakira, oo ah mid ka mid ah fanaaniinta ugu caansan caalamka, ayaa sheegay in heshiis la gaaro uu weli suurta-gal yahay illaa maxkamadeynta ay billaabato. 

Dacwad-oogayaasha ayaa sheegay in Shakira ay usoo guurtay Spain 2011, kadib markii xiriirkeeda xiddiga Barcelona Gerard Pique uu noqday mid shaacsan, hase yeeshee deegaankeeda rasmiga uu ahaa Bahamas illaa 2015, sababo la xiriira canshuuraha dartood.

Shakira iyo Pique oo laba caruur ah leh ayaa bishii June ku dhowaaqay inay kala furteen.

Shakira ayaa Arbacadii dhalleeceysay “xadgudub buuxa oo lagu sameeyey xuquuqdeeda” iyo “hanaanka xadgudubka ah” ee xafiiska dacwad-oogaha uu adeegsaday.

Waxa ay intaas ku dartay in dacwad-oogayaasha ay sidoo kale doonayaan inay canshuuraan lacag ay ka heshay bandhigyada faneed ee ay ku qabato dalalka kale ee caalamka.

Qareenadeeda waxay sheegeen in illaa 2014 ay inta badan lacagteeda ka heshay bandhigyada caalamka, ay Spain si rasmi ah ugu soo guurtay 2015, kadibna ay kasoo baxday dhammaan waajibkaadkeeda canshuuro. 

Shakira ayaa intaas ku dartay inay bixisay 17.2 milyan oo Euro oo casnhuurta Spain ah, islamarkaana aysan jirin “wax canshuur ah oo waaxda dakhli uruurinta ay ku leedahay.”