Kalluumeysatada Soomaaliya oo shaaciyey arrin ka duwan heshiiska lala galay Kenya

Nairobi (Caasimada Online) – Heshiiskii ay dhawaan labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ku kala saxiixdeen Nairobi ee la isku weydaarsanayay ganacsiga qaadka iyo kalluunka kaddib, ayay ganacsatada Soomaaliya sheegayaan in aanay weli fursad u helin in Kenya ay u dhoofiyaan kalluunkooda.

Guddoomiye ku-xigeenka Dalladda Kalluumeeysatada Soomaaliya Muuse Cabduqaadir Ducaale oo wereysi gaar ah siiyay BBC-da ayaa sheegay inay jiraan caqabado ay wajahayaan.

“Ilaa iyo hadda heshii 10 qodob ah baa la galay baa la yiri, waxaana 10-kaasi qodob ka mid ah in kalluunka loo dhoofiyo Kenya, balse ilaa hadda ma jirto cid ka tirsan Dalladda Kaluumeeysatada Soomaaliya oo loo yeeray oo lagala hadlay arrintan,” ayuu yiri.

Wuxuu intaa ku daray in heshiiska ka hor ay ku habbooneyd in loo yeero kalluumeysatada oo lala wadaago qorshaha la damacsan yahay.

Muuse oo ayaa la waydiiyey inay iyaga isku dayeen in ay la xiriiraan dowladda Soomaaliya ama xitaa tan Kenya, waxa uuna sheegay in hadda kahor ay mar madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta kula kulmeen shir ka dhacay Nairobi oo arrintan ay kala hadleen.

“Waxaan kala hadalnay in kalluunka aan keenno oo dhowr jeerna aan arrintaas ku celcelinnay. Si dukumiintiyeysan baan ula wadaagnay kaddibna waxay nagu dhaheen ‘keena’ balse si Indirect ah [Dadban] baa lagaala dagaallamayaa kalluunka. Waayeel tag lama dhaho ee wuxuu ku tago ayaa la tusaa.”

“Waxaa lagu saarayaa canshuur badan oo aadan qaadan karin. Waxaa kaloo jira xujooyin badan oo ay ka mid tahay xagga dhoofinta. Waxay ahayd in dhammaan arrimahaas mid mid loo dul istaago oo laga wadahadlo. Horay ayaa ugu daalnay.”

Waxa uu tilmaamay in ilaa haatan aysan jirin cid isu timid oo arrimahaas ka hadashay haddii ay dowladda ahaan lahayd ama ganacsatadaba.

Muuse Cabduqaadir waxa uu sheegay inay iyaga dhankooda diyaar u yihiin inay dhoofiyaan kalluunka, balse ay jiraan waxyaabo badan oo ka horreeya.

“Waxaa ka horreeya qaabka kalluunka loo geyn lahaa iyo qoladii qaadan lahayd, marka haddii ay labada dowladood aysan daacad ka noqon, kalluumeysato kalluun ma dhoofin karto.”

Dhanka dowladda Soomaaliya oo aan la xiriirnay si aan jawaab ugu helno dhaliilahaas ay kalluumeysatadu u soo jeedinayaan, kama aynan helin wax jawaab ah.

Madaxeynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa 15-kii bishan booqasho rasmi ah ku tagay dalka Kenya. Kulamo uu la yeeshay dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyata ayay ku kala saxiixdeen heshiis dhowr iyo toban qodob ka kooban.

Kulankaas kaddib labada hoggaamiye ayaa shir jaraa’id qabtay, kaas oo lagu shaaciyay heshiis 11 qodob ka kooban oo uu ka mid yahay in si dhaqso ah dib loogu billaabo qaadka Kenya ee loo dhoofin jiray Soomaaliya.

Heshiiskaas qeybta khuseysa qaadka wuxuu dhaqangalay 24-kii bishaan. Diyaaraddii ugu horreysay ee sidday qaad laga dhoofiyay Kenya ayaana ka degtay Muqdisho, muddo ku dhow labo sano oo xayiraad ah kaddib.

Qodobbadii kale marka laga yimaado kalluunka Soomaaliya waxaa ka mid ahaa in Soomaaliya laga caawiyo ka mid noqoshada Dalladda Ganasiga Bariga Afrika, muwaadiniinta Soomaalida in loo fududeeyo dal-ku-galka Kenya, in danaha labada dal si wadajir ah looga shaqeeyo, in la ixtiraamo madaxbannaanidda, in la iska kaashado arrimaha bani’aadannimada, in la iska kaashado la-dagaallanka argagixisada iyo sirdoonka labada dal.

Isha: BBC