Fanaaniinta Xiddigaha Geeska oo xabsi la dhigay

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa maanta lagu xidhay gegida dayuuradaha ee cigaal ee magaalada Hargeysa afar fanaan oo ka tirsan fanaaniinta xiddigaha geeska iyagoo ka soo laabtay Muqdisho oo bandhig faneed ay ka soo dhigeen maalmaha ciidda.

Fanaanada khadra Sinimo waxay BBC u sheegtay in fanaaniinta Xamda Quen, Nimcaan Hillaac, Maxamed Axmed Bakaal , iyo Cabdiraxman Caydiid Cabdi {Oday} ay ciidamda boliiska hargeysa ka qabteen maanta markii ay ka soo degeen diyaarad ay ka soo raaceen magaalada muqdisho .

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Arimaha gudaha somaliland Axmed Cadare ayaa isna BBC u sheegay in fanaaniintan loo xidhay-siduu hadalka u dhigay- barnaamijyo liddi ku ah madaxbanaanida somaliland oo ay muqdisho kaga soo qayb galeen iyagoo buu yidhi shaqaale ah ka tirsan wasaaradda warfaafinta Somaliland.

xidigaha