Fariinta FAROOLE aan ku fahamsiiyo CC Shakuurow

Senator Faroole “Siyaasiyiinta Dhalinyarada ahow, raggayaga waa wayn ee jooga waxweydiiya”.

Ooraahda kore marka aan maqlay ayaan iswaydiiyay Siyaasiyiinta uu magacdhabey, ee la daalaa dhacaya mucaardnimada aan jihada lahayn, ma fahmeen fariinta Senotor Faroole?

Qaasatan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ma fahmay falaarta xagiisa ku socotay?

Haddaba waxaa halkaas iiga muuqday fursad aan wax ugu waadaxin karo qolooyinku fariintu u socotay, oo aan filayo in ay halhalleel ku dhaaftay, sababtoo ah qolooyinka hadda ku jira siyaasada Soomaaliya uma haystaan afkooda wixii ka soo baxa in ay diiwaan galayaan berina lagula xisaabtami doono. Inkastoo aan Soomaaliya laga aqoon isla xisaabtan, oo sidii gabyaagii Ismaaciil Qaasim (AUN) ay ku wada sifoobeen markii lahaa:

Waxan ahay nin midabbeeya oo maalinbays roga’e
Muuqaygu gelinkiiba waa muunad goonniyahe”

Kaad isleedahay waa ugu shisheeyaa ay dhici karto isla daqiiqad kan kuugu dhow in uu yahay. Waxyaabihii siyaasada udub dhexaadka u ahaana ay ka aradan yihiin, taasoo ay ugu horeyso mabd’a iyo afkaar ay ku qotonto aragtida uu xambaarsan yahay, tanoo ku hagaysa dariiq uu u arko in bulshada uu matalayo hadduu ku hoggaansho uu libin ku gaarsiin karo.

Anoo haddaba qalbiga ku haya siyaasaddaas Soomaalida ee jirjiroolka ah, khibrad dhan tan iyo 1995-tiina xambaarsan, ayaan mar walba waxaan u cuskadaa taariikhdii la soo maray iyo waxa hadda taagan, tan oo haddii aad madaxa ku haysid casharo badan kaaga soo bixi karaan.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo taageerayaashiisu waxa ay aaminsan yihiin, siyaasi wiilashii la beesha ahaa dowladi laysay in uu asagu ugu horreeyay. Ayaga oo aan eegayn see wax u dhaceen, maadaama ay mudan tahay wax walba oo dhaca in la is waydiiyo wixii sababay. Dowladdu doodda ay keentay oo ahayd in xabadda dhinaca illaalada ka bilaabmatay, ayaguna iska caabiyeen. Kaliya waxaa cad in dowlad xoog ku maquunisay.

Tan iyo dhacdadaas wixii ka danbeeyay taageerayaasha CCW iyo asaguba waxay garaacayeen durbaanno colaadeed iyo diidmo qaawan oo ay kala horyimaadeen DFS, ayagoo daliikoodu yahay in ay yihiin dhibanayaal la hor istaagay xuquuqdoodii, go’aansadayna mudada afarta sano ah ee DFS in ay qarqarka ka lushaan, haddii ay afka ciidda u dari karaanna u daraan, taas oo micnaheedu yahay AAN ISKU AAKHIRO SEEGNO.

Hadaba, halkaas haddii ay taagan tahay, aan dib ugu laabto waxa ay ahayd fariinta Senotor Faroole ee aan rabo in aad fahamtaan.

Senotor Faroole waxa uu wasiir ka noqday xukuumadii Cadde Muuse(AUN),  mudo yar gudahood waa ay isfahmi waayeen, tanoo aakhirkii sababtay in wiillal ilaalada u ahaa Sanotor Faroole ay gudaha u galaan Baarlamaankii Puntland, tanoo sababtay geerida qaar ka mid ah ilaaladii Senotor Faroole.

Haddaba,  tan waxaan u xusayaa siyaasi la laayo wiilal ilaalo u ahaa, kuna baxa gacan maamul in CCW ilaaladisa looga horreeyay.

Maxaa dhacay ka gadaal dhacdadaas Garoowe?

Beesha wiilashu ka dhinteen iyo Maamulkii markaa jiray si nabad ah ayay ku dhameeyeen, mana jirin talaabo danbe oo la iska waydiiyay.

Kaalintii Senotor Faroole dhacdadaas ka dib maxay ahayd?

Senotorku dhacdadaas ka dib, mar haddii beeshii iyo Dowladdii is afgarad dhexmaray, ma uusan qaadan durbaano iyo dhagaxtuur uu dariiqyada Garoowe la soo istaagee, waxa uu go’aansaday in uu u baneeyo saaxada madaxweyne Cadde Muuse, xiliga ugu mudan ee dagaal u furan yahayna in ay tahay xiliga doorashada, inta ka horeysana uu dalka banaanka uga baxo, asaga oo aanan siyaasadda ka bixin, 2009-kana sidii uu ku guulaysan lahaa ka fakaraya.

Tallaabadaa uu qaatay Senotor Faroole ee uu u siiyay shacabka iyo Dowladdii Madaxwayne Cadde Musse in ay is arkaan, waxa ay u soo dadajisay Guushiisii shantii Janaayo 2009-kii, asagoo ku helay codkii ugu badnaa ee Madaxwayne Puntland ku guullaysto illaa iyo hadda 49 cod.

Tani waxa ay na baraysaa ama ayba ahayd in go’aanka Senotor Faroole xiligaas qaatay ay ahayd tii ugu haboonayd, haddii uusan sidaas samayna ayba dhici lahayd in uu lumin lahaa fursad uu madaxwayne ugu noqdo Puntland, marka ay shacabku u arkaan nin hortaagan in maamulkii Cadde Muuse xiligaas shaqeeyo.

CCW Ma maray wadadaas Faroole?

Uma muuqato, waxa uu doorbiday in uu dariiqyada u istaago DFS, dhagaxtuuryo joogto ahna uu wado, ilaa sida ay wax isku tuseen oo malaha ah in uu Af-wax ku dumin karo, ama qolooyin badan oo gadaal ka soo riixaya ka soo dhaadhicinayaan, ayagoo raba in ay asaga ku gabadaan, ayaguna shaarkoodu guban.

Waxaan qabaa haddii uu qaadi lahaa wadadaas Faroole, oo shacabka iyo DFS uu isku siin lahaa waqti, asaguna xiliga doorashada la gaaro uu asagoo dhamystiran, daldaloolo badanna u muuqdaan, amase shacabkiiiyo DFS oo kalataagan u imaan lahaa, in uu helilahaa fursad uu ama wadanka ku hoggaansho ama uu noqon lahaa nin yimaada kaalin muuqata.

Fariinta Faroole

Senotorka oo runtii ahaa nin mudadii uu xilka ka hayay Puntland fikriyan aan uga soo horjeeday, ayaan haddana waxaan qirayaa in uu wax badan oo wanaag ahna leeyahay iyo qibrad ku aadan tan iyo xornimadii wadanka.

Talaabada kale ee lagu xasuusto, mudanna in la xuso ayaa ahayd xiligii uu nidaamka xisbiyada isku dayay in uu Puntland ka hirgasho, markii isfahamdaro dhiig ku daatay keentayna uu go’aansaday in uu iskaga haro, inta maamulku iyo gobolkuba fowdo gali lahaa.

Fariintii uu diray 26-Janaayo, ee Siyaasiyiinta dhalinyarada ah ayaa nuxurkeedu waxa uu noqonayaa ” War waxaad isku fiirisaan ficilkiina iyo waxa ka dhalandoona, haddii ay dhibku ka wayn yahay faa’iidadaad raadinaysaan, iskaga hara. Wado kale oo aad ku gaari kartid guulna raadso”, sida asaguba sameeyay.

Faroole ma uusan waayeen wiilal dariiqyada u istaaga maamulkii Puntland xiligaas, laakiin waxaa u muuqatay in cidna aysan ka faa’idayn asaga iyo maamulkuba in ay dadka isku laayaan.

CCW waxaan rajaynayaa in uu iskaga haro kaarka dhibanaha ee uu hadda adeegsanayo, sida Faroole aadan waligiis afkiisa uga maqlayn adeegsiga dhibanaha. Uuna noqon miino loo adeegsado DFS, ee uu noqdo nin isku diyaarsha mustaqbal, fiirsadana fursadaha iyo daldaloolada uu berri is oran karo waad uga guulaysan kartaa dowladda jirta.

Haddiise uu sida uu hadda ku jiro kusii socdo, asagoo dhaawacyo badan oo siyaasadeed qabana xiliga doorashada la gaaro, waxaan caadna naga saarnayn in uu luminayo 4-ta sano ee soo socota dowladda imaandoontana, waayo? xitaa haddii qolodan hadda xukunka haysa aysan soo laaban, xukuumaddii kale ee timaadana siyaasi dhaawacan, xukuumad cusub oo xoog raadinaysa kaxaysan mayso.

Gabagabo:

Inkastoo Faroole uusan idinka dheerayn siyaasiyiintiinan dhalinyarada ah, bal fariintiisan aan idiin faahfaahiyay iskula laabta oo wixii dhiman buuxiya.

W/Q: Muxyadiin Ciid
muciid@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid