Fariintii Qasem Soleimani u waday Sacuudiga ee uu la dhintay iyo qiyaanadii Trump ee Adel Abdul-Mahdi

Baghdad (Caasimada Online) –  Waxaa xog laga helay sababtii uu Jeneral Qasem Soleimani u joogay magaalada Baghdad ee dalka Iraq markii lagu dilay duqeyn ay fuliyeen Maryekanka.

Ra’iisul wasaaraha Iraq Adel Abdul-Mahdi ayaa sheegay in qorshaha uu ahaa in uu la kulmo Soleimani, oo uu kala hadlo tallaabooyin la qaadi karo, si loo qaboojiyo xiisadda iska horimaad ee ka dhex oogan Iran iyo Sacuudi Arabia.

Abdu-Mahdi ayaa yiri “Waxaa qorshuhu ahaa inaan la kulmo subaxa maalinkii la dilay. Waxa uu u yimid halkan inuu iisoo gudbiyo fariin ka timid Iran oo jawaab u ahayd fariin ay Sacuudiga u direen Iran, oo aan gudbinay.”

Waxaa suurto-gal ah in Trump uusan ka war hayn kaalinta uu Soleimani ka cayaarayay isku soo dhowaanshaha Iran iyo Sacuudiga, taasi oo la rumeysan yahay in haddii uu ogaan lahaa uusan amri lahayn dilkiisa.

Ama waxaa suurta-gal ah in Trump ogaa balse uusan kala jecleyn, sababtoo ah Trump waxaa dan weyn ugu jirtaa xiisadda Iran iyo Sacuudiga, si uu hub badan uga iibisyo Sacuudiga, oo Iran u arka cadowgooda koowaad.

Weerarka lagu dilay Soleimani ayaa dhacay saacado un kadib markii ay taleefonka ku wada hadleen Abdul-Mahdi iyo Trump oo ra’iisul wasaaraha Iraq ka codsaday inuu gacan ka gaysto in dibad-baxayaahsa hareeyey safaaradda Mareykanka halkaas laga saaro.

Abdul-Mahdi ayaa niyad jab ka muujiyey in Trump xilli uu dalbanayey in la dhex-dhexaadiyo Mareykanka iyo kooxaha Shiicada Iraq, uu isla dhinac kale qorshaynayey dilka Soleimani.

Si kastaba, waxaa dhanka kale suurta-gal ah in militariga Mareykanka ee qorsheeyey weerarka aysan ka war-hayn wada-hadalladii Trump iyo Abdul-Mahdi, islamarkaana ay dileen Soleimani markii ay fursadda ku heleen.

Wada-hadallada hoose ee Sacuudiga iyo Iran ayaa la rumeysan yahay inay tahay sababta Sacuudiga aysan weli uga hadal dilka Soleimani.

Dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohamed Bin Salman ayaa walaalkiisa ka yar Khalid Bin Salman u diray Washington si xiisadda loo qaboojiyo.

Cabsida laga qabo dagaal ka qarxa Bariga Dhexe ayaa horseeday inay wada shaqeeyaan Sacuudiga iyo Qatar oo xiisad ay ka dhaxeyso, si dagaalka loo baajiyo. Qatar ayaa wasiirkeeda arrimaha dibedda u dirtay Iran, isaga po isku dayaya inuu Tehran ka dhaadhiciyo in la muujiyo is-xakameyn.