DF oo laga yaabo in lagala noqdo maamulka hawada dalka, hal sabab darteed

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa walaac ka qabto in mar kale lagala laabto Maamulka Hawada Sooomaaliya oo 30 sano kadib dhawaan loosoo celiyey.

Axmed Macalin Xasan, oo ah Maareeyaha Hey’adda Duulista Rayidka, ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya Maamulka hawada lagala noqon doono hadaan si deg deg ah loo ansixin sharciga Duulista Rayidka oo haatan ku jiro Gacanta Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Maareeyaha ayaa xusay in sharcigaan ay Dowladda Soomaaliya uga xayiran tahay waxyaabo badan oo dalka wax u tari lahaa mar uu wareysi siiyey warbaahinta Dowladda.

“13 ka bishan waxaa Nairobi ka dhici doono shir looga hadlayo Hawada Soomaaliya, anagoo ugu horeyn nala weydiin doono sharcigii duulista Hawada” ayuu yiri Axmed Macalin Xasan.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa 4-tii Bishaan ansixiyey Sharciga duulista Rayidka ee Hawada Soomaaliya, wuxuuna Maareeye Axmed ka codsaday Aqalka sare inay si deg deg ah u ansixiyaan Sharcigaan maadaama laga yaabo inay keento in Soomaaliya lagala noqdo maamulka Hawada.

Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa hadda soo saarto lacag 22 Malyan ah sida uu sheegay Maareeyaha, wuxuuna intaas sii raaciyey inay soo saari doonaan 50 Malyan haddii la ansixiyo Sharcigaan hadda hor yaalo Aqalka Sare.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan lasoo wareegtay maamulka Hawada Soomaaliya oo muddo 30 sano ah lagala maamulayey gudaha dalka Kenya.