Farmaajo, Abiy Ahmed iyo Isaias Afwerki oo dhisaya urur goboleed cusub (Aqri)

Asmara (Caasimada Online) – Hoggaamiyayaasha Somalia, Ethiopia, Eritrea ayaa shaaca ka qaaday inay doonayaan in la aasaaso urur goboleed cusub oo magaciisu yahay Iskaashiga Geeska Afrika (Horn of African Cooperation).

Qorshahan ayaa waxaa shaaca looga qaaday war-murtiyeed laga soo saaray kulan madaxeedkii ay maanta magaalada Asmara ku yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Saddexda hoggaamiye ayaa ayaa sheegay inay ku heshiiyeen inya kala tashtaan madaxda kale ee Geeska Afrika sidii looga miro-dhalin lahaa fikirkaasi ah dhismaha ururka cusub.  Hoos ka aqriso war-murtiyeedka oo dhan

War-murtiyeedka Wadajirka ah ee Kulanka Madaxda dalalka Ereteriya, Itoobiya iyo Soomaliya

Madaxda dalalka iyo dowladaha Ereteriya, Itoobiya, iyo Soomaaliya ayaa magaalada Asmara ku kulmay 27-ka Jannaayo, 2020.

Saddexda hoggaamiye waxa ay yeesheen wadahadallo toos ah oo qotodheer oo ku aaddan xaaladda ka taagan dalalkooda, iskaashiga saddex geesoodka ah ee u dhexeeya iyo arrimaha ka soo cusboonaaday gobolka Geeska Afrika.

Saddexda hoggaamiye waxa ay mar kale ku celiyeen sida ay uga go’an tahay Heshiiska Saddex Geesoodka ah ee ay saxiixeen bishii Sebtembar ee sannadkii 2018, waxayna dib u eegeen waxyaabihii ka soo baxay dadaalkooda wadajirka ah ee ku aaddan hirgelintooda.

Saddexda hoggaamiye waxa ay meelmariyeen Qorshe Hawleed Wadajir ah oo loogu talagalay sannadka 2020 iyo wixii ka danbeeya kaasi oo xoogga lagu saarayo labada ujeeddo ee isku-dhafan ee adkaynta nabadgelyada, xasiloonida iyo amniga iyo sidoo kale sare u qaadidda horumarka dhaqaale iyo bulsho. Waxa ay sidoo kale ku heshiiyeen inay dardargeliyaan dadaalkooda wadajirka ah si kor loogu qaado iskaashi heer gobol oo wax ku ool ah.

Dhanka ammaanka, saddexda hoggaamiye waxay isla qaabeeyeen qorshe sal-ballaaran oo lagula dagaallamayo, lagagana takhalusayo halista guud ee ay wada wajahayaan, oo ay ka mid yihiin argagaxisada, hubka, tahriibinta dadka iyo maandooriyaha.

Dhanka horumarinta dhaqaale iyo bulsheed, waxay isku waafaqeen in ay mudnaanta siiyaan abaabulidda khayraadka bini-aadam iyo kan dabiiciga ah ee faraha badan; iyaga oo dhisaya, casriyeynaya, iskuna xiraya kaabayaasha dhaqaalaha iyo waaxaha adeegyada iyo waxsoosaarkaba. Waxay sidoo kale muujiyeen sida ay uga mahadinayaan, diyaarna ugu yihiin la shaqaynta saaxiibbadooda iyo daneeyayaashooda, iyadoo lagu salaynayo is-ixtiraamid iyo kala-faa’idaysi siman.

Saddexda hoggaamiye waxay isku raaceen in ay si dhow ula tashadaan walaalahooda iyo Madaxda Dawladaha kale si loo xaqiijiyo yididdiilada dadkoodu u qabaan helidda Iskaashi dhex mara Geeska Afrika oo wax ku ool ah.

Waxa laga soo saaray Asmara, Ereteriya, Jannaayo 27, 2020.

DHAMMAAD