Qoor Qoor oo si rasmi ah isu-diiwaan geliyey iyo wararkii ugu dambeeyey Galmudug

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa maanta si rasmi ah isugu diiwaan geliyey inuu ka qeyb galo doorashada madaxweynaha maamulka Galmudug, isaga oo warqadihiisa u dhiibay garab ka mid ah guddiga doorashada.

Qoor Qoor ayaa iska diiwaan geliyey guddiga 8-da xubnood ee taageersan dowladda, waxaana la siiyay shahaadada Musharaxnimo.

Qoor Qoor ayaa ah musharaxii saddexaad ee doorashada isu diiwaan geliya, ayada oo shalay ay is-diiwaan geliyeen laba musharax oo kale, oo dowladda taageersan kuwaas oo xildhibaanada ay ugu yeereen “camirayaal” doorashada u qurxinaya Qoor Qoor.

Labadaas musharax ayaa kala ah Axmed Shire Falagle iyo Axmed Cabdullaahi Samatar oo xalay la diiwaan geliyay, kuwaas oo lacagta ay isku diiwaan geliyeen ay bixisay dowladda, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online.

Qoor Qoor ayaa la filayaa inuu si fudud ugu guuleysto doorashada oo ay diideen musharaxiintii miisaanka cuslaa ee mucaaradka.

Dhinaca kale waxaa 5-ta xubnood ee ka go’ay Guddigii doorashada 8-da ahaa ay iyana wadaa diiwaan gelinta Musharaxiinta Madaxweynaha, waxaana muuqata jawi kale oo Dhuusamareeb kaga suura geli karto doorasho labaad.

Afar ka mid ah musharaxiinta madaxweynaha Galmudug, oo kala ah, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, Cabdullaahi Faarax Wehliye, Kamaal Daahir Guutaale, iyo Cabdi Axmed Cabdi Dheere ayaa Jimcihii ku gacan seeray doorashada.

Musharxiinta ayaa gebegebadii shir ay yeesheen waxay isla garteen in ay kaliya ka qeybgeli karaan doorashada lagu wado in Galmudug ay ka dhacdo todobaadyada soo socda haddii la helo shuruudo ka kooban 6 qodob.

Shuruudaha musharaxiinta ayaa waxaa ugu weyn in la sameeyo guddi doorasho cusub, kaasoo ay ku midaysan yihiin dhinacyada kala duwan ee ay doorashadu khusayso, ayadoo si wada-oggol ah la iskula meel-dhigayo jadwalka iyo habraacyada doorashada.

Musharaxiinta ayaa sidoo kale dalbaday in Ahlu-Sunna Waljamaaca ay qeyb ka ahaato hanaanka iyo habsami u socodka hawlaha dhiman.

Waxa ay sidoo kale dalbadeen, In la helo dhinac 3-aad oo korjoogteeya arrimaha doorashada Galmudug, si looga hortago wax isdaba-marin, musuqmaasuq, laaluush iyo adeegsi awood loo isticmaalayo arrimaha doorashada iyo codbixiyaasha.